Category: XULKA WARARKA

VIDEO : Daawo 7 Arimood oo uu Sirdoonka Soomaaliya kaga wanaagsanyahay kuwa caalamka & Caqabadaha heysto

Daawo 7 arimood oo aan naftiina ku baraarujinayaa in Sirdoonka Soomaaliya uga wanaagsanyhiin kuwa caalamka  iyo caqabadaha sida weyn uga yimaad dowladaha shisheeye ee danaha gaarka ah ka leh dhulka Soomaaliya iyo wax soo saarkiisa dhinac walbo ah.

HOOS KA DAAWO

DAAWO : Muuqaalka Al-Shabaab oo dhagax ku diilaya haweeneey lagu eedeeyey arin layaab leh

Xarakada Al-Shabaab oo xukul dil dhagax ah ku fuliyey Haweeneey Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen in iyadoo xaas ah guursatay nin kale kadib markii uu soo dacweeyey seygeedii hore oo ay mudo wada noolaayeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in seyga qabay Xabiibo Cali Isxaaq oo lagu magacaabo Cali Ibrahim Cali uu dacwadaan soo gudbiyay.

Xukunkaan rijmiga ah o ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe ayaa qaadiga Shabaabka uu sheegay in baaris ay sameeyeen iyo xiriiro kala duwan inay u xaqiiqsadeen in Xabiibo Cali Isxaaq ay ku dhacday fal sinne ah, ayna mudeysatay sida shareecadda qabto xukun rijmi ah oo dhagax in lagu dilo ah.

Sheikh Mohamed Abu Abdalla oo ah amiirka Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa sidoo kale, xukunkaan xaqiijiyay, iyadoo Kooxo afka soo duubtay ay dhagxaan waaweyn la dhaceen marxuumad Xabiibo Cali Isxaaq, iyadoo aysan jirin cid u dooday ama garsoor xaq ah.

Ninka ilmaha ay u dhashay ee Cali Ibraahim ayaa ku dooday in xaaskiisa ay sineysatay, kana raacday wiil dhalinyaro ah, isagoo sheegay in ay markii ay baxaysay fasax ugu qaadatay qaraabo salaan, laakiin ay guursatay nin ay balansanayeen.

DAAWO : Kacdoon shacab oo lafilaayo & Rajada Soomaalida oo kordheysa, dhalinyaro qiireeysan ( VIDEO )

Tan iyo burburkii dalka kadib waxaa Hogaanka wadanka kolba dhinac u rarayay oday dhaqameed qowleeysato ah oo badankoodu ku yimid rabitaan qabaa’il balse waxa ay iminka u muuqataa in dhalinyaradii Soomaaliyeed isku tashanayaan oo ay wadanka samata bixintiisa isku howlayaan.

Hadaba waxaan barta hoose idinkugu soo gudbinayaa baaqa KACDOON DHALINYARO oo internetka ku faafaya maalmihii ugu danbeeyey waxaana door biday inaan aniguba ka qeyb qaato samata bixinta wadankeyga Hooyo.

HALKAAN KA DAAWO

VIDEO : laga helay Abaabulka qaraxii 14ka Oktoobar & Cadeymo lagu qanco

Tan iyo qaraxii sida weyn loogu baaba’ay ee ZOOBE majirto cid si gaar ah iskaga xil saartay ka jawaabida iyo qancinta Shacabkii la xasuuqay waxaana iminka laga helayaa internetka muuqaalo cusub oo shirkado gaar ah ay dib u raaceen CCTV-yada wadooyinka Muqdisho

Inkastoo dowlada Soomaaliya weli laga sugayo ka jawaabida iyo cadeynta cidii ka danbeeysay qaraxaas weyn  ayaan hadana helnay muuqaal aan u aragno inaan idinla wadaagno ee ku saabsan qaraxii ZOOBE

HALKAAN KA DAAWO

DAAWO 12ka Gabdhood oo reer Somaliland oo guursaday Ajaanibta caanka ah ( VIDEO )

Mudadii burburka Soomaaliya kadib waxa ay noqdeen Soomaalida kuwa kusoo firxaday caslamka waana kuwa si aad ah ugu sii milmaya bulshooyinka kale hadaba hoos ka daawo 12ka gabdhood ee guursaday Ajaanibta caabka ah

HALKAAN KA DAAWO

21 Oktoobar ma waxeey noqotay Maalin loo asteeyey Kalitalis Maxaa baajiyey kulankii Farmaajo?

21 Oktoobar ma waxeey noqotay Maalin loo asteeyey Kalitalis Maxaa baajiyey kulankii Farmaajo?

DHAGAYSO : Ninkii yiri Shabaab ayaan ahay oo anagaa ka danbeeynay qaraxii ZOOBE ( Waraysi )

Waxaa jira waraysi qabsaday idaacadaha magaalada Muqdisho kaasoo lagu sheegay nin lasoo xariiray idaacada dowlada sheegayna inuu yahay inuu kamid yahay Xaragada Al-Shabaab oo uu sheegay in qaraxii ZOOBE ay ka danbeeyeen qaraxii dadka badan ku dhamaadeen.

Sida waraysiga ku cad waxa uu leeyahay waxaa jira khilaaf xoogan oo ka dhashay sheegashada qaraxii soobe taasoo ay tahay sababta aan idiinla soo xariiray rabana inaan cadeeyo sababtaas.

HALKAAN KA DHAGAYSO

BBC oo heshay xog xasaasi ah cidii ka danbeeysay Qaraxii ZOOBE ( VIDEO )

Waxaa si weyn iskugu soo taraya xogag dheeeri ah oo ka imaanaya qaraxii ZOOBE ee sida weyn loogu hoobtay iyo dhagar qabayaasha u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ee maatada ah kuwaasoo laga lahaa dano siyaasadeed iyo mid gaar ahba.

Hadaba idaacada BBC ayaa heshay xog dheeri ah oo lagu sheegay cida ka danbeeysay qaraaxii zoobe waxaana sidoo kale la wareystay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo iyaguna qeexay.

 

HALKAAN KA DAAWO

Muuqaalkii ugu horeeyey ee laga helay kahor qaraxii ZOOBE & sidii ay sahalka ku noqotay in..

Waxaa jiro ifafaalo faara badan oo kasoo baxaya qaraxii shalay sida ba’an loogu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kuwaasoo lagu qaadaa dhigayo bal cidii sahashay in xasuuqa shacabka Soomaaliyeed lagu heshiiyo.

Hadaba barta hoose waxaan idinkugu soo gudbineynaa bal sidii uu jawiga ahaa kahor inta uusan qaraxa dhicin iyo xaalada sida ay markaasi ahyd CCTV kaamiro aan sidaasi waadix u ahyn balse laga tusaalo qaadan karo fursadaha ka banaaneed xiligaas ee lagu joojin karay qaraxaa.

HALKAAN KA DAAWO

DUCOMENTRY sir ah oo lagu fashilay Dowladaha diidan in Soomaaliya nabadoowdi & Sababa ku kalifaya..

Soomaaliya burburkeedii kadib waxaa jiro wadamo badanoo qarashaad malaayiin ah ku bixinaya in ay sii burburto iyagoo fiirsanaya danahooda gaar ahaaneed eey ka leeyihiin dhulka Soomaaliya.

Hadaba waxaa xaqiiq ah oo jira ay hubka dalka la keeno ay dhamaantiisa nooga yimaadaan dalal shisheeye sidaas oo ay tahayna waxaa naloo sameeyey awood qeybsi naloogu magac daray 4,5 kaasoo ka dhigan isku dir shacab iyo adinkaa awood sareeya.

Qabaa’ilada Soomaaliya oo iyagu midba midka kale si hoose loogu hirqiyey lacago ay si fudud hub ugu iibsan karaan loona fududeeyey hubkii in dalka si sharci daro ah loosoo galiyo ayaa keentay xaalada uu hada wadanku marayo in xal loo waayo.

Jiilka cusub waa kuwa fahmaya dhagarta lagu haayo dhulka Soomaaliya hadana weli waxaa soo taagan awqaashii & Odoyaashii oo iyagu aan lahyn tabar kale oo ay isku maareeyaan noloshooda maadaama aysan wax soo baran dhalinyaro nimadoodana ay kusoo qaateen jiid & dhac iyo dagaalba.

Muuqaalkaan hoose waa mid xasaasi ah oo xaqiiqdii kuu bidhaaminaya dalalka Soomaaliya ay ka dagi la’adahay ee malaayiinka lacageed ku bixinaya in dabka uu sii huro.

HALKAAN KA DAAWO

 

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com