Category: WARKA MAANTA

Booliiska Toronto oo beeniyay in la weeraray Gabadh Muslimad ah

Khawlah Noman oo jimcihii qabatay Shir jaraa'id waxaa barbartaagnayd hooyadeed

Khawlah Noman oo jimcihii qabatay Shir jaraa’id waxaa barbartaagnayd hooyadeed

Booliiska dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in weerar la sheegay in la isku dayay in gabadh 11 jir muslimad ah xijaabka looga jaro Maqas uusan weerarkaasi dhicin.

Dhacdada gabadhani ayaa warbaahinta qabsatay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ka dib markii ay sheegtay in nin sita Maqas uu inta uu gadaal uga yimid isku dayay in uu Xijaabka ka jaro.

Booliiska magaalada Toronto ayaa imika sheegay in dhacdadani oo ay u arkayeen in ay tahay danbi naceyb ku salaysan aysan gabi ahaanba dhacin.

Dhacdadani ayaa caro ka dhalisay dalkaasi ,iyada oo uu xitaa ra’isul wasaaraha Canada Justin Trudeau, uu walaaciisa ku muujiyay qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay.Gawaarida Booliiska

Gawaarida Booliiska

“Ka dib baaritaan faafaahsan,booliiska ayaa waxa ay ogaadeen in weerarkan uusan dhicin,” waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan kooban oo ay booliiska soo saareen.

Booliiska magaalada Toronto ayaa waxay intaa ku dareen in baaritaanka imika la soo gabagabeeyay.

Shir jaraa’id oo jimcihii ay qabatay gabadhani oo lagu magacaabo Khawlah Noman ayaa waxa ay sheegtay in ay xitaa ka baqayso in iskuulka ay dib ugu laabato.


Source: Dayniile

Agaasime Koofi Oo Kormeer Ku Tegay Deegano Ka Tirsan G/Mudug

Agaasimaha guud ee HSJ G/sare Koofi ayaa kormeer ku sameeyey bar xaduudka Tuurdibi oo ka tirsan degmada galdogob ee gobolka Mudug.

Agaasimaha ayaa halkaas kula kulmey gudoomiyaha degmada, taliyaha booliiska degmada, wasiir kuxigeenka arimaha gudaha dowlad goboleedka Putland iyo xildhibaano, wuxuuna ka dhageystey warbixino khuseeya xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee ku beegan degmada Galdogob. Sidoo kale agaasimaha ayaa kormeerey dhisme dhowaan laga hirgeliyey Turdibi kaas oo loogu talagaley in ay ku shaqeeyaan saraakiisha socdaalka iyo kuwa canshuuraha.

Hadal uu agaasimaha Guud HSJ ka jeediyay Tur Dibi ayuu ugu mahadceliyay maamulka Puntland oo si gaar ah isaga xilqaamey in ay ku dhameystiraan dhamaan adeegyada lagama maarmaanka u ah bar-xuduudeedka iyo weliba dhismaha laga hirgeliyey.


Source: Dayniile

Meydadka Tahriibayaal Afrikan ah laga helay Jasiirada Lanzarote

Ugu yaraan 7 qof oo Tahriibayaal Afrikan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen  Jasiirada Lanzarote, Canary  xilli ay doonaayeen in ay galaan dalka Spain.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay in  Shan nin maydkooda laga dhex helay dooni meel xeeb ah.

Waxa ay sidoo kale xuseen  in laba nin oo kale oo ay u suuragashay in ay doonidaasi ka baxaan ay dhinteen ka dib markii ay isku dayeen in ay u soo dabaashaan dhanka xeebta Teguise.

Waxa sababay dhimashada shanta qof ee doonida laga dhex helay maydkooda ayaan wali caddayn ,balse booliiska ayaa waxa ay sheegeen in lag yaabo in ay biyaha ku qaraqmeen.

18 ka mid ah muhaajiriintani oo ka badbaaday doonidan ayaa lagu daweynaya Isbitaal ku yaalla Jasiiraddaasi.


Source: Dayniile

DEG DEG:- Qarax Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

 Qarax ayaa ayaa goordhow waxaa laga maqlay inta badan jugtiisa degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu ka dhacay Saldhigga degmada Warta-Nabada,isla markaana qaraxa kadib ay maqleen Rasaas halkaasi ka dhaceysa.

Weli Macada nooca uu qaraxa ahaa balse ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.


Source: Dayniile

Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen degaano ka tirsan Baay

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday degaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, ayaa ugu dambeyn waxaa u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraray deganada Goofgaduud Buurey iyo Daynuunay oo qiyaastii Magaalada Baydhabo u jira 25-illaa 30-KM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Shabaab ayaa weerarka soo qaaday markii Salaadii Subax ee saaka, iyadoo dagaal la isku adeegsaday hub kala duwan uu ka dhacay deganada Daynuunay iyo Goof-gaduud Buurey.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, labada dhinac ah, ku dhawaad 10 askari oo labada dhinac ayaa la xaqiijiyay dagaalka inay ku dhinteen.

Ciidamadii Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga dalka ee ku sugnaa deeganadaasi ayaa isaga baxay, kadib markii ay u babac dhigi waayeen Shabaabka dagaalka soo qaaday awoodooda.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ku sugan yihiin meel aanan sidaasi uga fogeyn Daynuunay oo Baydhabo u jirta 25-KM ayna wadaan abaabul ku aadan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen deegaankaasi.

Al-Shabaab ayaa Baraha wararka ay ku faafiyaan waxa ay ku soo qoreen inay si buuxda u qabsadeen deganada Daynuunay iyo Goofgaduud Buurey, kadib dagaal saacado badan qaatay oo ay kula wareegeen gacan ku haynta deganadaasi.


Source: Dayniile

Shabaab oo weeraray Deynuunay

Xoogaga Ururka Al-Shabaab, ayaa saakay aroortii weerar lagu jarmaaday waxa ay ku qaadeen degaanka Deynuunay oo qiyaastii 26-KM u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shabaabka, ayaa dhanka Koonfureed ka weeraray degaanka Deynuunay, iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo fariisimo ku leh labada cirif ee Deynuunay laga galo.

Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ku sugan degaanka Deynuunay iyo Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal mudo socday, kaasi oo laga maqlay hubka la isku adeegsanayay degaanada halkaasi ka dhow.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in mar qura ay ku soo buraarugeen in dagaal uu socdo, la iskuna adeegsanayo hubka culus, waxayna tilmaameen in cabsi uu ku abuuray dagaalkaas.

Ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkan, maadaama xilli aroor ah uu weerarka dhacay, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya.

Warar madax ayaa sheegaya Shabaabkii weerarka soo qaaday in ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka Deynuunay, kadib markii Ciidanka Millitariga ay ka baxeen degaanka, maadaama xilliga weerarka lagu soo qaadayay aysan ku jirin diyaar garow.

General Mahad C/raxmaan Aadan Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed oo si kooban ula hadlay Risaala ayaa sheegay in weerarka uu jiro, wuxuuna tilmaamay in Ciidanka Dowladda ay ku sugan yihiin degaanka, oo Shabaab aysan la wareegin.

Wuxuu kaloo sheegay General Mahad C/raxmaan Aadan in uu kooban yahay khasaaraha soo gaaray Ciidamada, hadana halkaasi ay u direen Ciidamo dheeraad ah.

Waxaa aad u adag in la helo xaalada faah faahsan ee degaanka Deynuunay, maadaama isgaarsiinta ay tahay mid xun, waxaana degaanka xaaladiisa ay tahay mid kacsan.


Source: Dayniile

Dibadbaxayaal Trump Ku Tilmaamay Cunsuri.

Dibadbaxyo dhowr ah ayaa ka dhacay magaalooyiinka Mareykanka taasi oo looga soo horjeedo hadalo Gef ah oo ka dhan ah Haiti, El Salvador iyo wadamada qaarada African oo la sheegay in uu jeediyay madaxwayne Trump.

Dibadbaxyadani ayaa magaalooyiinka ay ka dhaceen waxaa ka mid ah New York, Los Angeles iyo West Palm Beach.

Dibadbaxayaasha magaalooyiinka New York, Los Angeles iyo West Palm Beach ayaa ku eedeeyay Mr Trump cunsurinima.

Ururka midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay madaxwayne Trump in raalligalin uu ka bixiyo hadalka la sheegay in uu ka soo yeeray.

Dowladda Nigeria ayaa dhankeeda u yeertay safiirka Mareykanka si uu sharraxaad uga bixiyo hadaladda Trump.

MadaxwayneTrump ayaa beeniyay in uu isticmaalay hadalo gef ah mar aqalka uu ka socday wadaxaajood ku saabsan socdaalka.


Source: Dayniile

Waqtiga Uu Furmayo Shirka Dhameystirka Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusunna Oo La Shaaciyay

 Maamulka degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay  faah faahin ka bixiyeen shirka lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna ee ka furmaya Magaaladaas.

Gudoomiyaha degmada Dhuusa Mareeb Nuur Cilmi Cabdulle oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in shirkaas uu Maanta oo Talaado ah ka furmayo Dhuusa Mareeb isla markaana Madaxweynaha iyo wufuud kala duwan ay Maanta tegi doonaan Magaalada Dhuusa Mareeb.

Waxa uu sheegay in sidoo kale Xubno ka socda Beesha Caalamka ay Maanta tegi doonaan Dhuusa Mareeb, si ay korjoogto uga noqdan heshiiskaas,waxana haatan laga dareemayaa Dhuusa Mareeb diyaar garoowga Shirkaas.

Ammaanka Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxana Maanta tegaya wefdiga Madaxweyne Farmaajo oo hadda ku sugan Cadaado,iyada oo shirkaas uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee la’isugu daro Galmudug iyo Ahlusunna.


Source: Dayniile

Saraakiisha CXD oo ka hadlay howlgallo ka dhacay Sh/Dhexe

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generall Maxamuud Maxamed Koronto ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo ay ciidamada ka fuliyeen inta u dhexeysa Jowhar iyo Balcad.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in maalmahan ay jireen carqaladen ay sameynayeen Al-Shabaab oo gaadiidka isticmaala Jowhar iyo Balcad ay jidka u galeen, balse howlgallo ay ciidamada halkasi ka fuliyeen khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,  isla markaana ciidan xoog leh la dhigay waddadasi.

General Maxamuud Maxamed Koronto ayaa beeniyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kaasi oo sheegayay in Al-Shabaab ay qabsadeen tuulooyin hoostaga Jowhar, waxaana uu intaa  ku daray in ciidamada ay markasta diyaar u yihiin inay shacabka ka dulqaadaan cadowga.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Maamulka Hirshabeelle, ayaa shalay qaaday guluf ay ku doonayan inay isugu furaan wadada xiriirisa Degmooyinka Balcad & Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib markii ay Shabaabku ku soo xoogeysteen.

Ciidamada gulufkan qaaday oo uu horkacayo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa bilaa dagaal kula wareegay Degaanka Ceelka Geelow. Shabaabka ayaa isaga baxay halkaasi, markii ay ka war helayn gulufka xoogan ee ku soo wajahan.


Source: Dayniile

Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weeraray Afgooye

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa fiidnimadii xalay waxa ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan oo qaatay wax ku dhow saacad ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, kadib Ciidamada Dowladda oo helay gurmad ayaa u suuragashay in ay iska caabiyaan Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Inkastoo ilaa hadda aanan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, ayaa hadana wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda lagu dhaawacay dagaalkan.

Maamulka degmada iyo kan Gobolka oo aan la xiriirnay si aan wax uga weydiino weerarkan, waa ay inoo suurageli weyday inaan qadka telefoonka ku haleelno, balse ilo ku dhow ayaa inoo xaqiijiyay in weli uu socda baaritaanka ku aadan qaabka uu weerarka u dhacay.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay weerareen fariisinkan Ciidamada ay ku leeyihiin xaafada Buula-fooliyo, intaasi kadib waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, balse dhowaan ayay ka soo ruqaansadeen, taasi oo Shabaab u sahashay in ay markale weeraraan.

Sidoo kale Shabaab ayaa weeraray degaanka Tixsiile oo ku yaalla duleedka degmada, waxaana halkaasi ka dhacay weerar saacad qaatay, kadib markii halkaasi uu dagaal kooban ku dhexmaray Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Dadka degaanka oo inala soo xiriiray ayaa inoo sheegay in ay arkeen meydadka dhowr qof oo yaallay goobta uu dagaalka ka dhacay, kuwaasi oo isugu jiray labada dhinac ee dagaalka uu dhexmaray.

Al-shabaab oo weerarka Tixsiile uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegeen in ay la wareegeen gacan ku heynta degaanka, sidoo kalena ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaarsiiyeen Ciidamada Dowladda ee fariisinkaasi ku sugnaa, inkastoo aysan jirin ilo rasmi ah oo xaqiijinaya sida ay wax uga dhaceen halkaasi.

Cabsi xoogan ayaa soo wajahday shacabka ku nool degmada Afgooye gaar ahaan dhalinta, kadib markii 24 saac ee la soo dhaafay degmadaasi lagu dilay Saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen dhalinta degmada halka midka kalena uu ahaa Askari.

Dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay Shabaab, labada dhalinyarada ah ayaa waxa ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Nabad Sugidda Dowladda Federaalka, taasi oo qasabtay in goobaha lagu caweeyo ay faaruq noqdaan fiidkii hore, maadaama ay kordheen dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan.

Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka.


Source: Dayniile