Category: WARKA MAANTA

Puntland oo maanta ku dhaqaaqi rabta arrin ay Galmudug oo ka biyo diidan tahay

Gaalkacyo (Dayniile Media) – Deyniile Media ayaa heshay xog ku aadan khilaaf weyn oo ka dhex qaraxay Maamulada Puntland iyo Galmudug kadib markii la isku qabtay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Xiisadaan ayaa timid ka gadaal markii  puntland ay shaacisay in 15 bishaan April oo maanta ku beegan ay dib u dhis ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, maadama  ay Puntland dhowaan heshiis lagubalaarinayo garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo waxay la gashay dowladda Imaaraadka oo dhowaan la wareegtay dekedda Boosaaso.

Labada Maamul  Galmudug iyo Puntland ayaa khilaafkooda  la sheegayaa inuu yimid kadib markii labada Maamul ay isku qabteen lahaanshaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo oo labada maamul ay isku maan dhafsan yihiin.

Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa gacanta ku hayo Maamulka Puntland., wuxuuna khilaaafka xoogiisa ka bilowday ka gadaal markii Puntland ay bilowday bur burinta dhulal ku dhow garoonka diyaaradaha oo dad shacab ah ay lahayeen, taasoo keentay inay ka carooto Maamulka Galmudug.

Dhulkan ay beneyneyso Puntland ayaa la sheegayaa inuu ku yaalo Galmudug , sida warar aan heleyno  ay sheegayaan , waxaana taas ay keentay in xiisadda labada maamul ay sidaas ku bilaabato, waxaana laga cabsi qabaa inay sheekada isku badasho gacan ka hadal./

Maamulka puntland wuxuu sheegay in dhulkaasi lagu balaarinayo dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,inkastoo Galmudug ay arintaas kasoo horjeesatay sida wararka ay sheegayaan, waxaana hadda socoto waan waan ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisada taagan.

Lama qiyaasi karo sida uu xaalku noqon doono iyo sida ay labada maamul ugu heshiin doonaa dhismaha cusub ee lagu sameenayo Garoonka Diyaaradaha.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com 


Source: Dayniile

Gaas oo carro ka qaaday miraha wada-hadalkii DF iyo Imaaraadka

Muqdisho (Deyniile Media) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxa uuna kulamo kala duwan la leeyahay Madaxda ugu sareysa DF.

Hogaamiye Gaas ayaa la sheegay inuu aad kaga soo horjeedo mugdiga uu Madaxweynaha Somalia galiyay Heshiiska ay Puntland la gashay dowlada Imaaraadka carabta kaa oo salka ku haya dhismaha Dekadda iyo Garoonka Gaalkacyo.

C/wali Gaas ayaa laga soo xigtay in Puntland ay kasoo horjeedo talaabooyinka ay qaaday DFS ee lagu burburinaayo Heshiiska ka dhexeeyay Puntland iyo Imaaraadka Carabt.

Gaas waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay dib ula laaban doonto kalsoonida haddii ay dhacdo in DFS ay mugdi galiso Heshiiska labada dhinac.

Gaas ayaa cadeeyay in Mowqifka Puntland uu yahay tiigsiga Horumar muuqda oo wax ka bedeli kara xaalada muuqaal ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalmo un ka hor kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Abu Dabai kaa oo ku saabsanaa laalida Heshiisyada ay Imaaraadka la gashay Somaliland iyo Puntland.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Britain oo baahisay xog ku saabsan halis cusub oo Somalia ku soo socota

Muqdisho (Deyniile Media) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay halis ku tahay Amniga iyo Xasiloonida ka jirta dalka Somalia, kadib Qaraxyada iyo Dilalka kusii xoogeysanaaya magaalada Muqdisho.

Safiirka Dowladda Britian u fadhiya Qaramada Midoobay, Matthew Rycroft ayaa sheegay in Al-shabaab ay qorsheyneyso weeraro hor leh oo ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho, waxa uuna suuragal ku sheegay in Maleeshiyadu ay adeegsato dhinacyo aan laga fileynin kamid ahaan shiyahooda.

Danjire Matthew Rycroft, ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay in caalamka uu garab istaago, waxa uuna ka digay in Somalia lagu fiirsado Halista ka jirta iyo tan kusoo fool leh.

Danjire Matthew Rycroft waxuu qeexay in muhiim ay tahay in lasii wado Dagaalka xoogan ee lagula jiro Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Sidoo kale, Danjire Matthew Rycroft ayaa sheegay in Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya lagu qaban doono Magaalada London Bisha May ee soo socota.

Waxa uu qeexay in Shirkaasi looga arinsan doono Horumarka, Nabadda iyo Amniga Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Danjiraha Britain ayaa cadeeyay in Maleeshiyada Al-shabaab aan looga adkaan karin hab Militari balse horumarada la sameynayo ay u muuqdaan kuwa looga adkaan karo Al-shabaab.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Duqu cusub ee Muqdisho oo gurigiisa ku booqday Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye

Muqdisho (Deyniile Media) – Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi ayaa shalay gurigiisa ku booqday Malaaqa Xamar iyo Xamar-Daye.

Malaaq Cali Malaaq Wehliye ayaa gudoomiyaha uga mahad celiyey booqashadiisa oo ku saabsaneyd salaan iyo is xog-wareysi, ku aadan aayahana dadka iyo deegaanka gobolka Banaadir.

Taabit ayaa Malaaqa u sheegay inuu yahay Malaaqa iyo odayga deegaanka Muqdisho, islamarkaana uu ku xushmeynayo arrintaas, wixii ku saabsan gobolkana uu talo weyn ku yeelan doono.

Malaaqa ayaa aad usoo dhaweeyey xushmada iyo sida uu u sharfay guddoomiye Taabit, una sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la shaqeeyo, gacanna ka siiyo wixii ku saabsan magaalada Muqdisho

Malaaqa oo matala dadka deegaanka Muqdisho, ayaa kulanka uu la qaatay gudoomiye Taabit waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xildhibaan Qaasim Furdug oo horey u uga tirsanaa baarlamanka.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Xog ku saabsan shirka DF iyo madaxda maamullada maanta uga furmaya Muqdisho

Muqdisho (Deyniile Media) – Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya qaban-qaabada shir wadatashi ah oo maantay uga furmaya mas’uuliyiinta sare ee dowladda federaalka iyo madaxda maamul gobolleeyada dalka ka dhisan.

Qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul gobolleedyada ayaa durbaba soo gaaraya Muqdisho, halka kuwa kalana la filayo in ay yimaadaan saacadaha nagu soo foolka leh.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya isla markasna kulankaan shir guddoomin doono ayaa la filayaa in looga hadlo xoojinta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo in uu dhawaan ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ka shaqeenayaa sidii qorsho mideysan loo horgeyn lahaa shirkaas.

Sidii meesha looga saari lahaa Is bar bar yaaca ka jiro Madaxda Soomaalida ayaa sidoo kale kamid ah ujeedka kulanka dowladda dhexe iyo madaxda maamul gobolleedyada dalka ,  waxaana muuqata in mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda federaalka ku tirtirsiinayaan hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada in shirka iyo ajendaha lala tagayo intaba looga danbeeyo dowladda dhexe, waana hadafka ugu weyn ee dowladda Farmaajo ka leedahay shirkaan.

Shirkaan ayaa noqonayo midkii ugu horreeyey oo ay yeeshaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda cusub ee uu madaxweynaha u yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana laga war sugayaa qaabka uu noqon doono xiriirka dhex mari doono.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aaminsan sida sharciga qabana ah in dowladda dhexe ay leedahay awooda ugu badan dalka, isla markaana maamul Goboleedyada ay yihiin kuwa hoos yimaado dowladda, balse sharcigaas inta badan kuma qanacsano Madaxda maamul Goboleedyada oo doonayo inay u dhaqmaan sida madaxweynaha Soomaaliya oo kale.

Qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa heshiis caalami ah oo aysan dowladda dhexe ka warqabin la galay dowladdo shisheeye, midaas sharci ahaan waxaa lagu tilmaamay inay tahay xad gudub.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com 


Source: Dayniile

Dastuurka Somalia oo qabyada ka baxaya (Maxaa ka socda Muqdisho?)

Muqdisho (Deyniile Media) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kulamo u dhexeeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada iyo Golaha shacabka kaa oo looga hadlaayo dardar galinta dib u eegista dastuurka dalka.

Kulamada socda ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Aqalka Sare, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Gole iyo mas’uuliyiin kale oo khibrad u leh arrimaha Dastuurka.

Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo ah Wasiir ku-xigeenka wasarada dastuurka xukuumada federalka Somaaliya, ayaa sheegay in caqabada ay hortaagnaayeen dhameystirka dasturka balse haatan caqabadahaasi laga soo gudbay.

Dr Xuseen Cabdi, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la gabagabeeyo qeybaha ka harsan Dastuurka waxa uuna tilmaamay in dhameystirka Dastuurka ay cadeyn u tahay dhismaha maamul Goboleedyada dalka.

Waxa uu intaa ku daray in dhameystirka Dastuurka ay cadeyn u tahay dhismaha Golaha Aqalka Sare waxa uuna carab dhabay inay ka go’an tahay in lasoo dhameystiro qeybaha harsan.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare C/xaashi C/laahi waxa uu kulanka hordhaca ahaa ka sheegay inay ka shaqeynayaan sidii Bulshada Rayidka ay qeyb uga noqon la haayeen Dastuurka Dalka.

Xukuumada Somalia iyo labada Gole ee dalka ayaa xooga saaraya in la dhameystiro qabyada Dastuurka, waxa ayna siyaabo kala duwan Mas’uuliyiinta u sheegen in dhameystirka Dastuurka uu horseedi karo horumarka dalka.

Si kastaba, Dasturka dalka ayaa haatan ah mid qabyo qoraal ah iyadoo xukumada cusubna ay wado qorshayaal ay ku dooneyso in ay ku dhameystirto dasturka dalka.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Muxuu Axmed Madoobe ka yir shirka Somalia uga furmaya London?

Muqdisho (Deyniile Media) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka, kuwaa oo la filaayo in Villa Somalia ay ku yeeshaan shir khaas oo hordhac u ah shir ka furmaaya magaalada London.

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay ujeedka shirka Soomaalida uga furmaaya magaalada London waxa uuna sheegay in fursada shirkaasi ay tahay mid mudan in Soomaalida ay ka faa’iideystaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka London uu yahay mid dhif ah, isla markaana faa’iido dhowr ah ugu jirta Somalia, waxa uuna ku baaqay in ka faa’iideysiga mirro dhalka shirkaasi uu yahay mid gacanta ugu jira DFS.

”DFS ayaa laga doonayaa inay nidaamiso qodobada ku haboon in lala tago shirka ma filaayo inuu jiri doono shir ka faa’iido badan kan London oo soo mari doona Somalia”

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirka London ay barbar socon doonto maalgashiga Somalia iyo in Somalia ay hesho dhaqaale lagu uruurinaayo shirka, taa oo loogu faa’iideyn doono shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in DFS looga baahan yahay inay la imaado qorsho fog oo looga faa’iideysan karo shirka waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in shirkaasi uu noqdo mid kala danbeyn leh.

Haddalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin dhammaan Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Madaxweyne is xisaabi intaan lagu xisaabin

Waxaa jirta in bulshada Soomaaliyeed u wada goomaneyd una gaajeysnayd in isbeddel dhaco, isbeddelkaasoo wata caddaalad iyo sinnaan horumar iyo maamul hagaagsan.

Mase dhicin oo waxaa isbeddelay keliya Madaxdii hore waxaana yimid Madax kale, aqriste markaan sidan ku leeyahay haw qaadan inaan ahay mucaarad ama nin diidan jiritaanka dowladnimada, Xaasha? Mayhi qof ku sifoobay noocaas!

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyey Madaxda cusub waxaan sugayey maamul wanaagsan, waxaan filayey waxqabad haba ugu badnaano haqabtirka baahida bulshadii abaaruhu ku habsadeen, dhismaha ciidanka iyo siinta xuquuqdooda, nabadda iyo amniga, siyaasad muuqata oo laga qaato musuqmaasuqa.

Kud ka guur oo qanjo u guur, Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu soo dhoobey xukuumadii rag aan hore u wada tijaabinay, uma diidani qofna inuu xil qabto qolada uu doono ha ahaado, waxaanse filayey dad hawlkar ah oo waxqabad leh, sidii xukuumadii markuu Madaxweynuhu ahaa Ra’iisalwasaaraha.

Waxaan is weydiiyey qof kasta oo loo hanweynyahay marka xilka madaxnimada uu gudoonto ee la gadoomo, maxaa gorofka ka dhiga ee ka duwa gorfeynta wanaagsan, hadduu Madaxweynuhu ka jawaabayey dareenka shacabka maxaa keenay inuu niyad jab ku rido oo usoo safo 70 wasiir iyo konton taliye oo midkoodna uusan ammaan mudnayn?

Maxaa dadkii waxqabadka lahaa meesha looga saaray? Oo loogu beddelay kuwo hore ugu fashilmay maamulka iyo maareynta raadkoodiina sii qoyanyahay, haddaba weydiimahan adigu is weydii, qof kasta oo muwaadin ah inuu dalka horumarkiisa ka shaqeeyo xaq baa loogu leeyahay, inuu taageero oo tixgeliyo awaamiirta dowladda, inuu bixiyo cashuurta inuu ka qayb qaato hawl walba oo dalka waxtar u leh, inuu boggaadiyo madaxda, sidoo kale inuu muujiyo dareenka waxa uu diidan yahay.

Farmaajo ka raacin jidkii laga filayey, mana keenin xukuumaddi la sugayey, ujeedkaygu maaha inaan hebelo eedeeyo ama carabaabo, balse, “ Sadar muuqda Su’aal ka dhan“ waxaan marag ka nahay in ammaankii sii xumaaday, taasi maaha inay dowladdu samaysay qaraxyada balse siyaasaddii looga hortegi lahaa iyo dadkii hoggaamin lahaaba lama keenin lamana xulan.

Dowladdu waxay dammaanad qaaday ammaanka iyo nabadgelyada bulshada, ilaalinta xuquuqda muwaadinka, ilaalinta madax bannaanida dalka, intan midna ilaa hadda lagama hayo.

Dekaddaha dalka

Inagoo la kacaa kufeyna murankii baddeena ee Keenyaatigu hungureeyey ayaa waxaa noo raacay in saldhigyo laga samaysto dalkii, sidoo kalena dowladdo iska maamushaan dekado aysan wax cashuur ah dowladda dhexe ka soo gelin.

Haddaba maxay ka tiri dowladeenu? Maka falcelisay? Maka qaadatay go’aan muuqda? Maya anigu ma arag, waxaad moodaa in maro hoosteed wax laga maamulayo.

Madaxweynuhu wuxuu tegay emaaraatka kama soo saarin go’aan cad wada hadalkoodii, waxaa imaaraatku ku baaqay in Soomaaliya abaaraha ay ka caawinayso, Naas nuujin lagu ilowsiinayo dhaca iyo boobka ay wado dowladda imaaraatku “ Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin“ Ma dalkeenii ayaan qamadi dhaafsanayna oo markaas u rixinaynaa, imaaraatkaa na caawiyey? Xaasha abaarta la caawinayo loomana baahna hadda waayo dadkii roobaa u da’ay waana doogsadeen ee maxaa shalay wax looga qaban waayey?.

Madaxweynuhu wuxuu socdaallo ku tegay waddamo dhawr ah, ilaa haddana waxba kama soo naaso caddaan, ogoow madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waa ogyihiin waana gartaan inteynu garano ee dan iyo muraad ayaysan ka lahayn.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu noqon doonaa, nin ka dhabeeya dareenkii shacabka u dabaaldegay, ama wuxuu noqon doonaa, Hoori lagu hungoobey!
Nin walba oo xil qaada waxaa sugaya xisaabtan mid adduunyo oo dadkii uu xilka u hayey ay meel ula fadhiyaan, mid aakhiro oo eebbe kala xisaabtamayo.

Haddaba Madaxweyne is xisaabi intaan lagu xisaabin, xaalka siyaasaddaadana wax ka bedel, isbedelku ma ahayn inaad kursiga timaado ee waxaa lagaaga fadhiyaa waxaad balanqaaday iyo wixii lagaa sugaayey.

Yaasiin Xaaji Baraako
Geneva, Switzerland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Deyniile Media. Deyniile Media, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Goormee ayaa lagu wadaa inuu furmo shirka u dhexeeya DFS & Maamul Goboleedyada dalka?

Muqdisho (Deyniile Media)-Waxaa lagu wadaa in maalinta beri oo ku beegan Sabti uu Magaalada Muqdisho shir uga furmo Madaxda ugu sareysa dalka iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hada ku sugan inta badan Hogaamiyayaasha Gobolada dalka, oo usoo diyaar garoobay shirka.

Shirkaani ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo farabadan oo khuseeya dalka, waxaana diirada lagu saari doonaa shirka la filaayo in dhawaan uu ka furmo magaalada London ee cariga dalka Ingriiska.

Shirka ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ku wehlin doona Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre.

Ujeedka ugu weyn ee shirkaani ayaa ah xoojinta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamullada dalka, arrimaha ammaanka iyo sidii ajenda mideysan looga qaadan lahaa kulanka la filayo in uu dhawaan ka dhaco magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo lagu dajin doonaan qorsho looga hortagaayo is bar bar yaaca madaxda Soomaalida marka ay jiraan kulamada heerka caalami ah ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya, waxaana Hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada la farayaa in shirka iyo ajendaha lala tagayo intaba looga danbeeyo dowladda dhexe.

Dowladihii ka horeeyay Dowlada uu Hogaaminaayo Madaxweyne Farmaajo ayaan awood u lahaan jirin xakameynta Hogaamiyayaasha iyo in shirka ka hor lala shiro Xubnaha maamulada u matalaaya shirka, taa oo keeni jirtay is barbar yaac.

Dowlada Britain ayaa dhowr jeer oo hore soo qabanqaabisay kulamo heer caalami ah oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya, waxaana ay ka mid tahay dowladdaha taageerada dhaqaale siiya Soomaaliya.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Al-shabaab farabadan oo gudaha u galay Kenya & Ciidamo lasoo dhoobay Goobaha muhiimka ah (Magacyo)

Nairobi (Deyniile Media)-Dowlada Kenya ayaa digniin culus kasoo saartay weeraro ay maleeshiyaadka Al-shabaab ka geystaan gudaha iyo Gobolada dalka Kenya.

Taliska Booliska Kenya ayaa soo saaray digniin heerkeedu sareyso oo ay shacabka uga codsanayaan in ay Booliska ku wargeliyaan haddii ay arkaan qatarta weerarrada Al-shabaab.

Taliska Booliska waxa ay digniintooda ku sheegeen in 9 qof oo Kenyaan ah kuna biiray Maleeshiyada Al-shabaab ay hadda dib ugu laabteen gudaha dalka Kenya isla markaana ay qorsheynayaan weerarro ka dhan ah Kenya.

George Kinoti oo ah Afhayeenka Booliska Dalka Kenya, ayaa sheegay in 9 qof ay intooda badan joogaan gudaha Kenya kuna howllan yihiin diyaarinta weerarrada ka dhanka ah dowladda iyo shacabka Kenya.

George Kinoti ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in goobaha uu weerarka ku wajahan yahay ay yihiin goobaha lagu cibaadeysto, Baararka, Boosteejooyinka basaska iyo tareenada laga raaco oo ammaankooda si gaar ah loo adkeeyay.

Magacyada Maleeshiyaadka Keenyanka ah ee ka tirsan Al-shabaab ee gudaha usoo galay Kenya ayaa waxaa kamid ah:

Habib Karongo oo loo yaqaan Jureyj, Juma Were, Mohamed Tajir, Abdullahi Jarso Kotola, Gufu Tari Gufu and Fuad Abubakar Manswab, Abubakar Abdikadir Abubakar,Issa Abdalla Kauni iyo Ahmed Said Omar.

Dhammaan waddooyinka gala Xaafadaha, Laamiyada iyo Goobaha ay ku kulmaan shacabka ayaa la soo dhoobay Ciidamo farabadan kuwaa oo la sheegay inay ka hortagayaan weerarada ay qorsheynayaan Maleeshiyaadka Kenyanka ah.

Deyniile Media
Xafiiska Nairobi
dayniilecom@hotmail.com


Source: Dayniile

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com