Category: WARARKA GUUD

Xubin Muhiim ah oo laga saaray Liiska Guddiga Ilaalinta Anshaxa

Faadumo Qaasim Dayib oo ka mid aheyd Guddi Dhawaan uu Magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegtay in laga saaray Liiska Guddigaas , islamarkaana Hadda aysan ogeyn Sababta Keentay in Liiska laga saaro.

Faadumo Qaasim Dayib ayaa ku jirtay Liiska Guddiga Anshaxa iyo Asluub-wanaagga ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhawaan Mar ay la hadashay Warbaahinta Waxaa ay sheegtay in ay waxbadan qaban doonto madaam Guddigaas lagu daray.
Majiro War rasmi ah oo cadeynaya in Faaduma laga saaray Liiska oo kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Laakiin Warkaan iyada ayaa laga soo xigtay.

Faadumo Qaasim Dayib ayaa horay u sheegtay in ay u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya inkastoo Markii dambe ayaa sheegtay in ay iscasishay.

Source: Dayniile.com

Sacuudiga oo taageeray xayiraadda socdaalka ee Trump

Wasiirka shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

Khalid al-Falih ayaa BBC-da u sheegay in aysan xaqiiqo ku salaysnayn siyaasaddii Barack Obama ee ahayd in la isu dheeli tiro isticmaalka shidaalka dhulka laga soo saaro iyo tamarta la cusboonaysiin karo ee laga dhaliyo waxyaabo ay ka mid yihiin cadceedda iyo hawada.

Obama ayaa horay u sheegay in tamarta la cusboonaysiin karo ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha Maraykanka iyo kan Sacudigaba.

Khalid ayaa dhanka kalana difaacay xayiraadii socdaalka ee Donald Trump isaga oo sheegay in dal walba uu xaq u leeyahay ciribtirka halista dadkiisa haysata.

Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in labada dal oo wada jira ay ka hortagi karaan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Source: Dayniile.com

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com