Category: WARARKA GUUD

VIDEO : sir ah oo laga soo duubay ajaanib badanoo dal dalanaysa dahabka & Kheyraadka dalka

VIDEO : Daawo 7 Arimood oo uu Sirdoonka Soomaaliya kaga wanaagsanyahay kuwa caalamka & Caqabadaha heysto

Daawo 7 arimood oo aan naftiina ku baraarujinayaa in Sirdoonka Soomaaliya uga wanaagsanyhiin kuwa caalamka  iyo caqabadaha sida weyn uga yimaad dowladaha shisheeye ee danaha gaarka ah ka leh dhulka Soomaaliya iyo wax soo saarkiisa dhinac walbo ah.

HOOS KA DAAWO

VIDEO : laga helay Abaabulka qaraxii 14ka Oktoobar & Cadeymo lagu qanco

Tan iyo qaraxii sida weyn loogu baaba’ay ee ZOOBE majirto cid si gaar ah iskaga xil saartay ka jawaabida iyo qancinta Shacabkii la xasuuqay waxaana iminka laga helayaa internetka muuqaalo cusub oo shirkado gaar ah ay dib u raaceen CCTV-yada wadooyinka Muqdisho

Inkastoo dowlada Soomaaliya weli laga sugayo ka jawaabida iyo cadeynta cidii ka danbeeysay qaraxaas weyn  ayaan hadana helnay muuqaal aan u aragno inaan idinla wadaagno ee ku saabsan qaraxii ZOOBE

HALKAAN KA DAAWO

DHAGAYSO : Ninkii yiri Shabaab ayaan ahay oo anagaa ka danbeeynay qaraxii ZOOBE ( Waraysi )

Waxaa jira waraysi qabsaday idaacadaha magaalada Muqdisho kaasoo lagu sheegay nin lasoo xariiray idaacada dowlada sheegayna inuu yahay inuu kamid yahay Xaragada Al-Shabaab oo uu sheegay in qaraxii ZOOBE ay ka danbeeyeen qaraxii dadka badan ku dhamaadeen.

Sida waraysiga ku cad waxa uu leeyahay waxaa jira khilaaf xoogan oo ka dhashay sheegashada qaraxii soobe taasoo ay tahay sababta aan idiinla soo xariiray rabana inaan cadeeyo sababtaas.

HALKAAN KA DHAGAYSO

BBC oo heshay xog xasaasi ah cidii ka danbeeysay Qaraxii ZOOBE ( VIDEO )

Waxaa si weyn iskugu soo taraya xogag dheeeri ah oo ka imaanaya qaraxii ZOOBE ee sida weyn loogu hoobtay iyo dhagar qabayaasha u bareeray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ee maatada ah kuwaasoo laga lahaa dano siyaasadeed iyo mid gaar ahba.

Hadaba idaacada BBC ayaa heshay xog dheeri ah oo lagu sheegay cida ka danbeeysay qaraaxii zoobe waxaana sidoo kale la wareystay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo iyaguna qeexay.

 

HALKAAN KA DAAWO

Muuqaalkii ugu horeeyey ee laga helay kahor qaraxii ZOOBE & sidii ay sahalka ku noqotay in..

Waxaa jiro ifafaalo faara badan oo kasoo baxaya qaraxii shalay sida ba’an loogu hoobtay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya kuwaasoo lagu qaadaa dhigayo bal cidii sahashay in xasuuqa shacabka Soomaaliyeed lagu heshiiyo.

Hadaba barta hoose waxaan idinkugu soo gudbineynaa bal sidii uu jawiga ahaa kahor inta uusan qaraxa dhicin iyo xaalada sida ay markaasi ahyd CCTV kaamiro aan sidaasi waadix u ahyn balse laga tusaalo qaadan karo fursadaha ka banaaneed xiligaas ee lagu joojin karay qaraxaa.

HALKAAN KA DAAWO

DUCOMENTRY sir ah oo lagu fashilay Dowladaha diidan in Soomaaliya nabadoowdi & Sababa ku kalifaya..

Soomaaliya burburkeedii kadib waxaa jiro wadamo badanoo qarashaad malaayiin ah ku bixinaya in ay sii burburto iyagoo fiirsanaya danahooda gaar ahaaneed eey ka leeyihiin dhulka Soomaaliya.

Hadaba waxaa xaqiiq ah oo jira ay hubka dalka la keeno ay dhamaantiisa nooga yimaadaan dalal shisheeye sidaas oo ay tahayna waxaa naloo sameeyey awood qeybsi naloogu magac daray 4,5 kaasoo ka dhigan isku dir shacab iyo adinkaa awood sareeya.

Qabaa’ilada Soomaaliya oo iyagu midba midka kale si hoose loogu hirqiyey lacago ay si fudud hub ugu iibsan karaan loona fududeeyey hubkii in dalka si sharci daro ah loosoo galiyo ayaa keentay xaalada uu hada wadanku marayo in xal loo waayo.

Jiilka cusub waa kuwa fahmaya dhagarta lagu haayo dhulka Soomaaliya hadana weli waxaa soo taagan awqaashii & Odoyaashii oo iyagu aan lahyn tabar kale oo ay isku maareeyaan noloshooda maadaama aysan wax soo baran dhalinyaro nimadoodana ay kusoo qaateen jiid & dhac iyo dagaalba.

Muuqaalkaan hoose waa mid xasaasi ah oo xaqiiqdii kuu bidhaaminaya dalalka Soomaaliya ay ka dagi la’adahay ee malaayiinka lacageed ku bixinaya in dabka uu sii huro.

HALKAAN KA DAAWO

 

Xiisad ka taagan Puntland kadib Gaas oo xabsiga ku guray xubno mucaaraday

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta oo Jimce ah xabsiga u taxaabay afar xubnood oo kamid ahaa madal isugu yeertay bad-baadinta Puntland, taasoo muddooyinkii u dambaysay warbaahinta marinaysay dhaliilo ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Afar xubnood oo hormuud u ahaa madasha ayaa la dhigay saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe iyadoo amarka la sheegay inay bixiyeen guddiga nabad galyada gobolka Nugaal.

Xubnaha la xiray ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Siciid Maxamud (Dhegawayne) oo soo noqday Agaasimaha hay’adda Puntland u qaabilsan cudurka Aids-ka, Siyaasi Daahir Ciiro oo isna mar kasoo mid noqday Barlamankii KMG ahaa dalka Soomaaliya, Ganacsade Duni Maxamed Guulato Iyo Faysal Faarax Cali.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta raggaas loo xiray, waxaase la sheegayaa inuu amarka bixiyey madaxweyne Gaas.

Arrintan waxaa xaqiijiyay taliyaha Saldhiga dhexe ee magaalada Garoowe Fardafuul.

Balse xubnahan oo 10-kii bishan shir saxaafadeed ku qabsaday Garoowe ayaa dhaliilay shirkii Kismaaayo lagu qabtay iyo khilaafka ka dhashay wadamada Khaliijka iyagoo tilmaamay in Madaxda maamul goboleedyadu ay ku khaldanyihiin waxyaabaha ay ka shireen.

Maaha markii ugu horaysay oo caasumadda Puntland lagu xiro xubno mucaarad ah.

Isha: GO

TOOS U DAAWO DOORASHADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

DADAAL BADAN KADIB WAXAA SHABAKADA DAYNIILE U SUURA GASHAY INEEY IDIIN SOO GUDBISO TABINTA DOORASHADA SOOMAALIYA EE IMINKA KA SOCOTA CAASIMADA MUQDISHO EE SOOMAALIYA.

WAXAAN SI GAAR AH UGU MAHAD CELINEYNAA WARBAAHINTA QARANKA OO FUDUDEEYSAY ADEEGAAN TOOSKA AH EE LOO QEYBIYEY WARBAAHINADA KALE EE SIDA GAARKA AH LOO LEEYAHAY.

XOG SIR : Doorashada Soomaaliya oo hal dhinac u raran & Shaki weyn oo ka..

Musharax Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha oo Berri oo Arbaca ah ka dhaceysa magaalada muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidamada cirka ee Afisiyooni kadib Shirjaraa’id oo uu galabta ku qabtay guriga uu ka dagan yahay magaalada muqdiho.

Sheikh Shariif ayaa marka hore ka hadlay dareenkiisa doorashada Berri iyo waxaa uu ka qabo waxaana uu muujiyey niyad wanaag ku saabsan doorashada oo ay ku tartamayaan 22-tan musharax oo uu kamidyahay Isaga.

Nuxurka Shirka Jaraa’id ee Shariif ayaa ahaa arimaha laxariira masumaasuqa waxaana uu qiray inuu jiro masuq maasuq iyo wax isdaba marin badan oo uu ku baaqay in la Yareeyo ugu Yaraan, waxaa kaloo uu tilmaamay in loobahanyahay Isbadal dhab ah hogaanka haatan ee talada Haya.

Musharax Sheikh Shariif oo ka mid ah musharxiinta ugu Cad Cad doorashada madaxweyne ee berri ayaa ka hadlay arinta saameynta ku haysa Soomaalida gudaha ee Abaaraha daran ee ka jira qeyba ka mid ah dalka.

Waxaana uu Codkiisa ku biiriyey baaqa ah u -gurmashada Dadkaasi si looga Samata Bixiyo gaajada iyo Dhibta ku heysa Dalka.

Shirkaan jaraa’id ee Sheikh Shariif ayaa ku soo aadaya wax yar kadib Doorshada Berri waxaana uu hadlay wax ka yar Shan Daqiiqo oo uu kaga waramay Doorashada,Arimo ku saabsan masuqmaasuqa iyo Abaaraha Dalka iyadoo Berri oo Arbaca ah ay Dhaceyso doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer oo hore Dib uga dhacday xiligii loogu Talagalay.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com