Category: ARIMAHA BULSHADA

Xayiraadda Trum ma saameyn doontaa dagaalka ka dhanka ah Daacish?

Donald Trump oo saxiixaya amarka muranka dhaliyayAmarka madaxweyne Trump ayaa loo arki doonaa caddeyn muujinayso in dowladda Mareykanka ay lid ku tahay Muslimiinta

Haddii si loo eego, jawaabtu waa haa.

Ma jiro qaab dhanka seyniska ah oo casriyeysan oo rasmiyan lagu qiyaasi karo tirada dhabta ah ee dadka ka xanaaqi doono amarka madaxweyne Trump ee ku aadan muhaajiriinta toddobo waddan oo muslimiin ah, arrintaa oo laga yaabo in ay geliso dareen ah in lagu khasbay in ay weerar ku qaadaan Mareykanka iyo bartilmaameedyo kale oo reer galbeedka ah.

Waxaana dhici karta in dad noocaasi ay jiraan ama aysanba jirin hadda.

Sidoo kale, ma jiro qaab casriyaysan oo lagu xaqiijin karo tirada shakhsiyaadka mayalka adag ee hadda laga hortagay in ay galaan Mareykanka sababo la xiriira amarka madaxweyne Trump.

  • Obama oo dhaliilayamarka Trump
  • Mo Farah oo dhaliilay amarka Trump
Soomaali ku nool Malaysia oo uu saameeyay amarka Trump

Balse arrinta dhabta ah ayaa ah in ay arrintani u danaynayso kooxda la baxday Dowladda Islaamka marka la eego dagaalka mabda’a ku dhisan ee mar waliba is badalaya isla markaana u baahan in la kasbado maskaxda iyo quluubta shacabka.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Iran, Javad Zarif, oo dalkiisa uu haatan gacan ka siinayo dowladda Ciraaq dagaalka ka dhanka ah kooxdani ayaa waxa uu sheegay in tallaabadani uu qaaday Mareykanka ay taariikhda gali doonto oo ay noqon doonto haddiyaddii ugu weynayd ee la siiyo kooxaha xagjirka ah iyo taageerayaashooda.

Waxa uu intaasi ku daray in tallaabadan ay horseedayso in argagixisadu ay ciidan badan hesho, iyada oo arrintaa ay sii fogeyn doonto cadaawadda ay xagjiriintu in muddo ahba ka faa’iideysanayeen.

Dalka Induniisiya, oo ah waddanka ugu Muslimiinta badan caalamka oo dhan ayaa afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay go’aankaasi, sababtoo ah buu yiri, waxa uu saameyn ku yeelan doonaa dagaalka caalamiga ah ee ka dhanka ah argagixisada, ayna khalad tahay in aragtida kooxaha xagjirka ah iyo argagixisaduba lala xiriiriyo diin gaar ah.

Xitaa dalka Britain oo ay Mareykanku aad xulufo u yihiin ayaa go’aanka madaxweyne Trump aad u dhaliilay. Wasiirka arrimaha dibadda Britain, Boris Johnson, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in shakhsiyan uu tallaabadaasi u arko mid dadka kala qaybinayso isla markaana khalad ah.

Dhanka kale, dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada oo inta badan laga wado baraha intarneedka iyo shacabka oo laamaha amniga aad ula shaqeeya ayaa waxaa soo gaari doono dhaawac maadaama tallaabadani dowladda Mareykanka ay ugu yaraan keeni doonto in uu hakad ku yimaado wada shaqeynta dowladda Mareykanka iyo waddamada ay u baahan tahay in ay gacan ka siiyaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dowladda Ciraaq oo Mareykanka uu gacan weyn ka gaystay tababaridda ciidamadeeda ayaa isla markiiba waxa ay billowday in ay qaado tallaabooyin aargoosi ah oo ay waddankeeda uga mamnuuceyso muwaadiniinta Mareykanka.

Muddaharaad ka dhan ah amarka Trump
Dad badan oo Mareykan ah ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan amarka madaxweyne Trump
  • Amarka Trump ee qaxootiga siduu u saameyn doonaa Soomaalida?
  • Sida Caalamka uu uga jawaabay go’aanka Trump
  • Trump oo amar kasoo saaray qaxootiga
  • Maxkamad taageertay dacwadda laga qabo go’aanka Trump

Gudaha waddamada bariga dhexe, xaqaa’iqa jira ayaa ah in mar kastaa oo ay soo baxdo arrin Mareykanka ka dhigaysa mid ka dhan ah Islaamka, waxaa adkaanayo in lala dagaallamo aragtida kooxda la baxday Dowlada Islaamka iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah.

Xaqiiqada dhabta ah ayaa ah in markii horeba kooxaha inta badan dhaliyay ficillada sababay kala shakiga iyo in fikir khaldan laga qaato Muslimiinta aysan ahayn kuwo matalayo Muslimiinta oo dhan.

Waxaana iska cad in kooxaha sida Al-Qaacidda, dowladda Islaamka, Al-Shabab iyo sidoo kale kooxaha xiriirka la leh ay yihiin kuwa ku dhaqaaqay jihaad, iyaga oo adeegsanaya magaca Islaamka oo dhan.

Kooxahani ayaa waxa ay doonayaan in ay kala qaybiyaan Muslimiinta iyo dadyowga kale ee aan Muslimka ahayn.

Waxa ay sidoo kale danaynayaan in ay soo celiyaan xilli caalamka uu u kala qaybsanaan jiray dhul uu Islaamku ka taliyo oo shareecada lagu xukumo iyo dhul lagu dagaallamo oo ay colaadi ka jirto, kaa oo ah dhammaan dhulka uusan Islaamka ka talinin.

Fikrad kastaa oo caalamka shaki sii kala gelinayso ayaa ah mid ay kooxahani soo dhaweynayaan.

Hoggaanka kooxda Dowladda Islaamka ayaa ka carooday qaxootiga reer Suuriya ee u qaxay Yurub, waxa ayna ku tilmaameen khiyaano iyagoo doonayay inay u qaxaan xaruntooda Raqa. Sidaas darteed, waxaa hadda dhici karta in arrintu ay u dhacdo sida ay doonayaan kooxdani oo ay ka faa’iideystaan amarka madaxweyne Trump.

In kastoo uu aad u sii yaraanayo dhulka ay kooxdani xukunto ee ku yaalla bariga dhexe, haddana waxaa suurtagal ah in ay ka faa’iideysato tallaabadan Trump oo ay hesho ciidan badan isla amrkaana ay ku dhiiri geliso taageerayaasheeda in ay qaadaan dagaallo hor leh, iyadoo ayba suurtagal tahay in qaar ka mid ah taageerayaasha kooxdani ay ku nool yihiin gudaha Mareykanka.

Source: Dayniile.com

Madaxii Maaliyadda Al-shabaab ee Gobolada Dhexe oo lagu dilay Mudug

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug Howlgal gaar ah oo ay ka Fuliyeen waxaa ay ku dileen Madaxii Maaliyadda Al-shabaab ee Gobolada Dhexe oo lagu Magacaabi jiray Carab.

Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in Ciidan gaar ah oo ka tirsan NISA ay Sargaalka ku qaarajiyeen Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Taliyaha wax Faah-faahin ah oo kale kama bixin Dilka Sargaalka ka tirsan Shabaab ee lagu dilay Xarardheere.

Source: Dayniile.com

Cumar Cabdirashiid oo ka digay ‘faragelinta’ doorashada ee dalalka deriska ah

Ra'iisul wasaaraha dowlada federaalka Somaliya, Omar Cabdirashid Cali Sharkmarke

Image captionRa’iisul wasaaraha dowlada federaalka Somaliya, Omar Cabdirashid Cali Sharkmarke

Ra’iisul wasaaraha dowlada federaalka Somaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharkmarke ayaa ka digay waxa uu ugu yeeray faragelinta ay dalalka deriska ah ku hayaan doorashada Soomaaliya.

Sharmarke oo ka mid ah 24 qof oo u tartameysa madaxweynanimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay waddamada ku deeqay ciidammada AMISOM inaysan uga faa’iideysan kaalmadaasi dhanka amniga ah inay ku farageliyaan arrimaha siyaasadda Soaomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka digay ‘faragelinta’ doorashada ee dalalka deriska ah

”In musharrax gaar ah ay culeyskooda isugu geeyaan si ay u taaageeraan oo ay taageera uga raadiyaan maamul goboleedyada sax ama ahan. Waxaan ka dalbanayaa in dalalka deriska ah ay ixtiraam u muujiyaan Soomaaliya oo ay faraha naga qaadaan”, ayuu yiri Cumar cabdirashiid oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Dood dhexmari lahayd musharrixiinta Soomaaliya oo lagu kala tagay

Wuu ka gaabsday inuu ka hadlo waddamadaasi iyo musharrixiinta ay taageerayaan.

Doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo dhowr jeer dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in qabsoonta 8 bisha Fberuary.

Source: Dayniile.com

Maamulka Jubbaland oo War kasoo saartay xildhibaan la sheegay in la xiray

Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Warar maalmihii lasoo dhaafay ay tabinaayeen Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ku aadana in Kismaayo lagu xiray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uusan jirin Xildhibaan lagu xiray Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada maamulka Jubbaland aan la xiri karin , islamarkaana ay xasaanad ay leeyihiin.
Jaamac Axmed Xasan Afhayeenka Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale waxkama jiraan ku tilmaamay in la xiray Xildhibaan Shaceyb Ibraahim.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida ayaa shalay sheegay in xildhibaan Shaceyb Ibraahim oo ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland lagu xiray Kismaayo.

Source: Dayniile.com

Xubin Muhiim ah oo laga saaray Liiska Guddiga Ilaalinta Anshaxa

Faadumo Qaasim Dayib oo ka mid aheyd Guddi Dhawaan uu Magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegtay in laga saaray Liiska Guddigaas , islamarkaana Hadda aysan ogeyn Sababta Keentay in Liiska laga saaro.

Faadumo Qaasim Dayib ayaa ku jirtay Liiska Guddiga Anshaxa iyo Asluub-wanaagga ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhawaan Mar ay la hadashay Warbaahinta Waxaa ay sheegtay in ay waxbadan qaban doonto madaam Guddigaas lagu daray.
Majiro War rasmi ah oo cadeynaya in Faaduma laga saaray Liiska oo kasoo baxay Gudoomiyaha Baarlamaanka Laakiin Warkaan iyada ayaa laga soo xigtay.

Faadumo Qaasim Dayib ayaa horay u sheegtay in ay u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya inkastoo Markii dambe ayaa sheegtay in ay iscasishay.

Source: Dayniile.com

Sacuudiga oo taageeray xayiraadda socdaalka ee Trump

Wasiirka shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

Khalid al-Falih ayaa BBC-da u sheegay in aysan xaqiiqo ku salaysnayn siyaasaddii Barack Obama ee ahayd in la isu dheeli tiro isticmaalka shidaalka dhulka laga soo saaro iyo tamarta la cusboonaysiin karo ee laga dhaliyo waxyaabo ay ka mid yihiin cadceedda iyo hawada.

Obama ayaa horay u sheegay in tamarta la cusboonaysiin karo ay sare u qaadi doonto dhaqaalaha Maraykanka iyo kan Sacudigaba.

Khalid ayaa dhanka kalana difaacay xayiraadii socdaalka ee Donald Trump isaga oo sheegay in dal walba uu xaq u leeyahay ciribtirka halista dadkiisa haysata.

Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in labada dal oo wada jira ay ka hortagi karaan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

Source: Dayniile.com

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com