Author: admin

Canshuur Kordhinta Cusub. Fahankeyga ku aaddan hadalkii u dambeeyay ee wasiirka maaliyadda uu ku sharxaayay habka canshuur

Canshuur Kordhinta Cusub.
Fahankeyga ku aaddan hadalkii u dambeeyay ee wasiirka maaliyadda uu ku sharxaayay habka canshuur kordhinta waa sidan soo socota: qof kasto oo badeeco soo dagsado waliba wixii aan ahayn daruuriyaadka sida cuntada waxaa laga rabaa inuu canshuur boqolkiiba shan ah (5%) inuu ka bixiyo boqolkiiba labaatan (20%) ka mid ah badeecada uu wato intii ay doonto hala ekaatee. Tusaale ahaan hadii uu muwaadinku lasoo dago badeeco u dhiganta qiimo ahaan $800,000 waxaa laga doonayaa 20% ka mid ah sideeda boqol oo kun oo dollar taasoo u dhiganta $160,000 inuu ka dhiibo 5% oo qiimo ahaan u dhiganto $8,000 halkii ay ahayd inuu muwaadinku bixiyo $40,000 hadii laga qaadi lahaa boqolkiiba shan kamida qiimaha guud. Dhanka kale ganacsatadu waxeey doonaayaan in laga qaado canshuur jacbur taasoo qiyaastii ah $10 illaa $20 dollar halkii bokisba iyadoo laga eegaayo inta uu bokiskaas la egyahay ee aan la fiirineyn qiimaha badeecada ku jirta bokiska.

Afeef: Taageerada dowladdeenna waa waajib saran qofwalbo oo muwaadin Somaliyeed ah ujeedada qormadaanna ma ahan mid ka baxsan taageerada dowladda laakin waa mid wax tusaaleyneysa. Ma ahi xisaabyahayn ama qof khibrad gaar ah u leh hab cashuureed ka aduunka ka jiro iyo midda waddankeenna laakin waxaan leeyahay aragtida oo ay tahay inaan wax ka tusaaleeyo intii aan ka awoodo. Waxaan sidoo kale aamin sanahay in muwaadin kasto oo soomaaliyeed uu jecelyahay dalkiisa oo dhismo iyo inuu canshuurta bixiyo laakin waxa la isku haayo ay tahay farsamada arinkaan loo maraayo.

Horudhac
qormadaan gaaban waxeey eegeysaa dhinacyada kala duwan ee ay ahayd ineey kaabaan wasaaradda maaliyadda iyo hanaankii ay ahayd in loo maro nidaamka cashuurta ee dowladda iyo ganacsatada soomaaliyeed ee gobalka banaadir ay isku hayaan. Waxeey iila muuqataa ineey jirto wada shaqeyn la’aan baahsan taasoo ka taagan gudaha qeybaha dowladda iyo sidoo kale dhanka ganacsata iyo shacabka soomaaliyeed oo laftoodu ay canshuurtu saameyn doonto.

Dhinacyada Kala Duwan ee Eey Ahayd Ineey Kaabaan Wasaaradda Maaliyadda.
Dhinacyada kala duwan ee ay ahayd ineey kaabaan wasaaradda maaliyadda si loo taabba galiyo canshuur bixinta kuwaasoo aan kasoo dhalaalin doorkooda waxaa ka mida Wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda warfaafinta, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn Shacabweynaha Soomaaliyeed. Waxaa hubaal ah hadii intaaan oo qeybood ee xusan ay si wada jir ah uga wada shaqeynlahaayeen qorshaha meel marinta nidaamka cashuurta ee cusub in lagaari lahaa guul aan u wada riyaaqno.
Su’aalaha badan ee madaxeyga ka guuxaayo kuwooda ugu muhiimsan ee qormadaan igu dhaliyay ma ahan sababta gacasatada soomaaliyeed ay canshuurta u diidanyihiin, ogaalka ay u leeyihiin in dalkoodu dib u dhis u baahanyahay iyo inkale laakin su’aalaha iigu muhiimsan waxaa kamida ah kuwa soo socda.

Su’aalaha Is Waydiinta Mudan.
1. Wasaaradda maaliyaddu si wanaagsan ma u qorsheeysay hanaanka meel marinta canshuurta?
2. Howshaan ma mid u taallo wasiir-ka iyo wasaaradda maaliyadda kaliyaa?
3. Waamaxay kaalinta ay ahayd ineey kasoo dhalaalaan dhinacyada kale ee kor ku xusan sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warfaafinta,
Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn Shacabweynaha Soomaaliyeed si uu u guuleysto qorshaha canshuurta ee wasaaradda maaliyaddu la timid?
Jawaabaha.
Labada su’aalood ee 1aad iyo 2aad ma ahan kuwa aan doonaayo ineey dhabaha ka leexiyaan dulucda iyo ujeedada qormadeydaan haseyeeshee waxeey mudanyihiin in si kooban looga jawaabo taasoo aan kusoo koobi karno in maxsuulka meelmarinta qorshaha canshuur kordhinta yahay mid muujinaayo inaan si wanaagsan looga baaraandagin. Sidoo kale waxaa hubaal ah in hadii si wanagsan loo qorsheynlahaa in lasii odorisilahaa caqabadaha imaankara sida diidmada qayaxan ee wasaaradda maaliyaddu ay kala kulmeyso ganacsata iyo saameynta shacabka ay ku yeelatay isla markaana la turxaanbixin karay howsha daadajinta canshuurta. Sidoo kale waxaa laga baaqsan karay in dowladdeenna cardunka ah oo tan iyo sanadkii hore la kulmeysay jillaafooyin siyaasadeed oo cadowgu dhigaayay Eebbe-se naga badbaadiyay aaneey markale bixin fursad la iskaga horkeeni karo iyada iyo dadkeeda iyadoo la istimaalaayo qiilka raqiiska ah ee canshuur kordhinta.

Su’aasha 2aad jawaabteeda waa mid iska cad. Hanaanka iyo ujeedada laga leeyahay haayadaha kala duwan ee dowladdu waxbo masoo kordhinayo hadii ay u shaqeeyaan si habqan ah balse wada shaqeynlaan haayadaha kala duwan ee dowladda oo mid walbo ay dhankeeda u shaqeyso waa mid barakada ka qaadeyso wakhtiga cayiman ee ay haysatto dowlad kasto oo soomaaliyeed midda hadda joogto iyo mid soo soocotaba. Sidaa daraadeed, akhriste adiga iyo anigaba waajib ayay nagu tahay inaan farno ama gaarsiinno dowladdeenna ineey abuurto hanaan isku xiraayo dadaalada kala duwan ee qeybaha daladdu wadaan maalin iyo habeyn.

Su’aasha 3aad waa midda ugu ahmiyadda badan qormadaan aan kula wadaagay inaan isku hawlo sababta u ahayd akhriste. Anakoo ka duuleeyno jawaabta su’aasha labaad ee tilmaameyso sida wada shaqeyntu muhiim ugu tahay dowladnimadeenna dulucda iyo ujeedadu waxeey tahay inaan fahanno, kana jawaabno su’aasha dhaheyso; Waamaxay kaalinta ay ahayd ineey kasoo dhalaalaan dhinacyada kale sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Warfaafinta, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo ugu dambeyn Shacabweynaha Soomaaliyeed si uu u guuleysto qorshaha canshuurta ee wasaaradda maaliyaddu la timid?
Doorka Dhinacyada Kala Duwan ee Aan Soo Xusnay.
Liiska haayadaha kala duwan ee ay ahayd ineey kaashato wasaaradda maaliyaddu intaaneey ku dhaqaaqin meel marinta qorsha canshuurta cusub waa mid furan balse aragtideyda waxaa habooneeyd in wasaaradda maaliyadu ay qaadi kartay qorshe baaxad wayn oo cilmiyeysan hadii ay kaashanlahayd ama ay hadaba kaashato haayadaha ay khuseeyso.
Shaxda hoose waxeey muujineeysaa haayad walbo iyo qeybta ay ahayd ineey ka qaadato meelmarinta canshuur kordhinta.

HAAYADDA
KAALINTA KU AADDAN HAAYADDA
Wasaaradda Maaliyadda
Jaangoynta qorshaha kordhinta canshuurta
Wasaaradda Qorsheynta
Cilmi baaris (formal research) lagu sameeyo waxa laga filankaray ganacsatada iyo sida ugu haboon ee loo waajihi karay.
Waxaa la adeegsan karaa mar walbo aqoonyahanka soomaaliyeed ee u heellan gacansiinta dib u dhiska dalka iyo waliba ardayda waxbarata iyo dhalinyada marka la sameynaayo cilmi baaris aan qarash badan ku bixin.
Wasaaradda Ganacsiga
Diyaarinta xeerar kala ilaaliyo iskuna ilaaliyo xuquuqda ganacsadaha soomaaliyeed iyo macaamishiisa wax ka iibsaneyso iyadoo la abuuraayo xeer ganacsadahana faraayo inuu raadiyo faaido macquul ah oo dhac aan ku ahayn macaamiisha isla markaana la fahansiiyo in laga wada qaadaayo ganacsadaha canshuurtii isaga laga rabay iyo middii macamiisha laga rabay isla markaana loo sameeyo hanaan uu kusoo ceshan karo canshuurtii uu macaamiisha kasii bixiyay iyadoo la maraayo hanaan xisaab celis ah.
Rugta Ganacsiga
Rugta Ganacsiga soomaaliyeed oo ku adeegeyso aqoon iyo xeel dheeri lana casriyeeyay waxaa ku aadanaa talo bixin dhan ka dowladda iyo ganacsatadaba ah. Iyo ineey ganacsata ku hagaan wadada hagaagsan dowladdana kala taliyaan wixii xad gudub ku ah ganacsatada. Sidoo kale rugto waa ineey noqotaa mid awood u leh maareynta ascaarta dollar ka iyo badeecooyinka si loo xakameeyo sicir barar ka ay ganacsatada horseedaan marar badan.
Wasaaradda Warfaafinta
Wasaaradda warfaafinta oo adeegsaneysa noocyada kala duwan ee isgaarsiinta waxeey u muuqataa mid shaqadeeda ay ku idlaatay wararka dowladda iyo madadaalo aan macno badan u lahayn dib u dhiska dalkeena. Tusaale ahaan: waxaan aragnaa sabti walbo barnaamij ka Masraxa Furan kaasoo habeyn walbo oo Sabti ah wakhti badan ku bixiya maaweelo. Hadaba Warfaafinta dowladda soo ma habooneyn in ugu yaraan 90 cisho wacyi galin ah ka sameyso qorshaha canshuurta si loo abuuro wacyi la jaanqaadaayo baahida aan u qabno in ganacsatadeenna iyo dadkaba bixiyaan canshuurta. Sidoo kale waxaa la maqlilahaa codka iyo aragtida dadka inta aan la farin bixinta.
Shacabka Soomaaliyeed
Wasaaradda Maaliyadda iyo Warfaafinta oo is kaashanaayo ayay ahayd ineey qorshaha canshuurta ka gadaan shacabka soomaaliyeed si shacabku u muujiyo taageero iyo cadaadis ay ganacsatada dhankooda ka saaraan. Canshuur la’aan waxeey ka dhigantahay dowladla’an.

Fiiro Gaar Ah.
· Ganacsata soomaaliyeed canshuur mabixin ku dhawaad 28 sano taasoo dhaxalsiisay ineey layaabaan dowlad canshuur waydiineyso. Waana arin u baahan turxaanbixin ee aan la isaga boodi Karin.
· Ganacsatada faaidada ay badeecada saartaan waa in la daraaseeyaa. Waxaa suuragal ah sheeyga laga soo bixiyay $1 dollar marka uu China yaallo in muqdisho lagu iibiyo $10-$20 dollar gaar ahaan waxyaabaha aan daruuriyaad ka ahayn taasoo hadii la isla fahmo ka dhigan in dowladdu canshuur fiican hesho si ay ugu adeegto umaddeeda.
· Waxaa jiro kala shaki laga dhaxlay burburkii dalka kaasoo ganacsatadu ay adeegsaneyso sida muuqato. “Hal magaalo ama gobol side canshuur looga qaadayaa” waa hadal heynta ugu badan oo ganacsatada qaar iyo dad dano gaar ah leh ay adeegsanayaan si ay u helaan shacbiyad taageersan. Arinka noocaan ah wa in dawladdu kala hadashaa dadka kana shaafisaa una sheegtaa shacabka soomaaliyeed in gobol walbo laga qaadi doono canshuurta, goorta lagu wado iyo wadada loo maraayo. Waxaa xusid mudan in shacabka soomaaliyeed uu diyaar u yahay wax walbo oo dalku ku dhismaayo halka ganacsadaha uu shilinka basa fiirinaayo.

30 sano oo canshuur la’aan ah ilaaheey ganacsatada haku anfaco wadankana aan dhisanno ayaan ku soo koobayaa, insha allah.

Bloger: Kafi Liban
Facebook: kafi.liiban
Email: kaafiliban@gmail.com

Source: Dayniile

Guddiyada maaliyadda & miisaaniyadda & ganacsiga iyo Dhaqaalaha way dadaaleen hase yeeshee mid muhiim ah ayey ilaaween

Labada guddi ee baarlamaanka u qaabishan maaliyadda iyo miisaaniyadda iyo ganacsiga iyo Dhaqaalaha ayaa waxa ay maanta soo saareen qoraal ay ku xaaraantinimeynayaan amarka ay wasaaradda maamliyaddu bixisay ee ah in canshuurta gadista ee 5% ah lagu qaado dekadda si loo fududeeyo canshuur aruurinta maadaama xilligaan aysan suuragal aheyn in si hufan canshuurta loogu qaado goobaha ganacsiga.

Sida ka muuqata qoraalka labada guddi ay sida wada jirka ah usoo saareen, in canshuurta la qaado mamnuuc maaha hase yeeshee waxa ay diidanyihiin in dekadda lagu qaado iyaga oo aan fiirin duruufaha adag ee ku xeeran dowladda iyo shaqada adag ee u taalla.

Gudiyadu waxa ay halmaameen qaabkii lagu soo doortay iyada oo la xeerinayo duruufa jira oo aan laga gudbi Karin.
Xubin kasta oo kamid ah mudanayaasheena baarlamaanka waxaa soo doortay 51 qofood oo ehelkiisa ah oo qaarkood ay ganactooda kusoo xusheen iyada oo waliba xildhibaanada qaar lagu doortay deegaanno ka baxsan halkii laga soo dooran lahaa taas oo hadii leeska indha tirayo duruufaha jiray ee la xeeriyay meesha ka saari laheyd in ay maanta xildhibaanno ahaadaan.

Waxa aan ku talinayaa in xildhibaanadeenu ay go’aanada u gaaraan si waaqici ah iyaga oo ka fakaraya danaha dalka, dadka iyo diinta si looga gudbo duruufaha jira

Source: Dayniile

Xildhibaan Fiqi oo taageeray in dalka Soomaliya Canshuur laga qaadin

Waa mahadsan yihiin guddiyada maaliyada iyo ganacsiga oo soo kala dhexgalay murankii wasaaradda Maaliyaddu ay sababta u ahayd ee kalifay in Dekeddii iyo suuqii weynaa ee Bakaaruhuba ay xirmaan muddo todobaad ku dhow.

Canshuuri waa midda sharci barlamaanku ansixiyey ku qotonta, markaasna ma jiri karto cid diidi karta bixinteeda balse marka ay noqoto mid dikreeto wasiir ku soo baxda, waxba kama duwanaanayso midda isbaarooyinka sharci-darrada ah lagu qaado.

Wasiir Beyle waxaa looga fadhiyaa in uu barlamaanka horkeeno sharciga canshuuraha si ay u noqoto “xalaal maalin cad ayaa la quutaa”, mana laga aqbali karo barlamaankii oo fasax ku jira inuu dikreetooyon jeebkiisa ah ganacsatada inuu sharci uga dhigo.

Eng. Yariisow oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka 

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusman (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in hufnaanta hannaanka maamulka iyo maaliyadda ay asaas u tahay shaqada maamulka Gobolka, sidaas daraadeedna kor loo qaadi doono isla xisaabtanka heer gobol iyo heer degmo.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulanka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Maamulka Gobolka ayaa xaqiijiyey in ujeedku uu yahay daadajinta adeegyada asaasiga ah iyo in si siman ay uga wada faa’iideystaan bulshada gobolka Benaadir.

“Maamulka degmooyinku waxa ay laf dhabar u yihiin baahinta iyo daadajinta adeegyada asaasiga ah. Si taas loo xaqiijiyana waa in aad horseed ka noqotaan qorsheyaasha ku saleysan la dagallanka musuqmaasuqa iyo in si caddaalad ah loogu adeego bulshada gobolka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha oo la hadlayey maamulka degmooyinka.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ayaa warbixinno ku saabsan amniga, adeegyada asaasiga ah, hannaanka maamulka iyo caqabadaha ku xeeran ka dhageystay Guddoomiyeyaasha 17ka degmo.

Madaxda Maamulka Gobolka iyo kuwa heer degmo ayaa ka wada arrinsaday latashiyada bulshada gobolka Benaadir ee ku aaddan geeddi socodka doorashooyinka dalka iyo muhiimadda ay leedahay in kaalintooda ay ka qaataan go’aan ka gaarista arrimaha masiiriga u ah dalka.

Kulanka waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cusman Cumar (Eng. Yarisow) ku wehelinayey Ku Xigeennadiisa Arrimaha Bulsha Marwo Basmo Caamir Axmed, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow, Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur iyo sidoo kale Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Guddiga Maaliyadda & Ganacsiga BF oo sharci daro ku tilmaamay canshuur kordhintii Wasaaradda Maaliyadda 

  Kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddiga Maaliyadda iyo Ganacsiga Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa ay sharcidaro ku tilmaamay canshuurtii ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen 30-ka Bisha April Wasaaradda Maaliyadda Somaliya inay ka doonayaan Baarlamaanka inay horkeento Shuruucda Canshuurta oo tifaftiran.

Canshuurta Iibka oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, ayaa waxa ay sababtay inuu hakad galo ganacsigii Suuqa Bakaaraha oo ganacsatada ay iska diidaan bixinta Canshuurta Iibka.

Source: Dayniile

Toogasho ka dhacday Magaalada Boosaaso 

 Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa barqanimadii maanta toogasho ku dilay nin ay sheegeen inuu ahaa Argagixiso.

Ninkan oo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa la sheegay inuu doonayay in uu dil u geysto Askari ka tirsan Ciidanka Puntland, kaasi oo ku sugnaa goob Boosteejo ah oo Gaadiidka laga raaco.

Askariga ku sugnaa halkaasi oo helay xogta ninkan ayaa durba rasaasta kala horumaray ninka hubeysnaa, kaasi oo isla goobta ku geeryooday.

Meydka ninka la dilay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso, halkaasi oo saraakiisha laamaha ammaanka ay ku baarayaan ninkan iyo ujeedada uu lahaa.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamada ay ku daba jiraan laba nin kale oo la socotay ninkan la dilay, kuwaasina ay gacanta ku soo dhigi doonaan.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com