Siyaasi Cabdirmaan Cabdishakuur oo taageeray in aan canshuurta la bixin

xayay

Waxaan isku deyey in aan fahmo dooda ka taagan canshuurta. Waxaan waraystay xubno xukuumada ka tirsan, Ganacsato, xildhibaano ka tirsan Gudiga Maaliyada Baarlamaanka iyo dad ka socda Rugta Ganacsiga.

Doodu kama taagna bixin Canshuur oo idil, hadii ay tahay tan Dekeda lagu qaato, Canshuurta Dakhliga (income tax) ama tan shatiga Ganacsiga ee doodu waxay ka taagan tahay Canshuurta Gedida, Value-Added tax (VAT), wadamada qaarkood looga yaqaan Goods and Services Tax (GST), halka Ameerika Sales Tax (ST) looga yaqaan. Canshuurta Gedida waxaa laga qaadaa markii shaygu ama alaabtu gadanto.

Ganacsatadu waxay leeyihiin Xukuumadu waxay doonaysaa in canshuurtii gedista (VAT) Dekeda hormaris loogu qaado. Waxay ku doodayaan sideen u bixinaa canshuur gedis iyadoon Badeecadii weli la gedin, lana ogayn in ay gadmayso ama lagu khasaari doono. Dawladu ha qaadato canshuurta gedista markii badeecadu gadanto.

Xukuumadu waxay ku doodaysaa ma awoodno sababo badan oo jira awgeed in aan Ganansiga Magaalada ka qaadno canshuurta gedista.

Waxay kaloo ganacsatadu ku doodayaan Maxaa dhamaan Dekadaha dalka looga wada qaadi waayay, si badeecada wadanka u tartanto.

Xukuumadu waxay ku doodaysaa in Muqisho laga bilaabayo, markii maamulka dawlada uu faafana dhamaan Gobolada dalka la gaarsiin doono.

Waxaa halkaan ka cad in waxa la isku hayo ay tahay canshuurta gedida VAT iyo qaabka lagu qaadayo. Waxaa kaloo cad in cida ku doodaysa badeecad aan gedmin ayaan canshuurayaa in ay gardaran tahay.


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
‚Äč
xayaysiis
xayaysiis