Wasaaradda Gaadiidka oo soo saartay Sharci wax looga qabanayo sumad la’aanta gaadiidka

xayay

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sharci Wasaaradu kasoo saartay sumadda Gaadiidka.

Mudane Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska Hawada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda Gaadiidka xukumadda Soomaaliya oo ka duulaysa Amniga Dalka ay sharci kasoo saartay Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Wasiirka oo faahfaahinayay xeerkaan cusub ee wasaarada gaadiidka soo saartay ayaa yiri”Waxaan Samaynay Xeer ka kooban mid cusub iyo mid aan ka soo qaadannay xeerarkii hore,

Dhanka kale wasiirka ayaa xusay in ganacsatada gaadiidka ay la tashi badan la samaysay wasaaradda, waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah in baabuurta ay dibadda ka keenaan marka ay in muddo garaash ku jiraan xilliga laga iibsanayo ay la mid noqdaan gaari mar hore waddanka la keenay, iyadoo lagu salaynayo taargada, sidaa darteed waxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada samaysay taargooyin ganacsi oo gawaarida la siinayo inta laga iibsanayo, marka qof shaqsi ah ama shirkad iibsatana waxaa la siinayaa taargooyin cusub oo rasmi ah.

Ugu danbayntii Wasiir Oomaa ayaa hoosta ka xariiqay in xeerkaan cusub uu ka mid yahay qodob cadaynaya in qofka shaqsiga marka uu gaariga iska iibinayo ay waajib ku tahay in uu taargada dib u soo celiyo, si looga hor tago in gaari loo adeegsaday xaalad aamin darro aan  loogu qabsan qof muddo dheer ka hor iska iibiyay.

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada xukumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa dadaalo xoogan ugu jirta dhaqan galinta adkeynta sharciyada Gaadiidka dalka.


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
xayaysiis
xayaysiis