Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho oo Maanta lala xisaabtamayo

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha bulshada Maamulka gobolka banaadir Basma Cumar Shakeete oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in cid walbo oo muqdisho ku nool ay kula xisaabtamayaan nadaafada goobta uu degan yahay iyo goobtiisa ganacsi.

Maamulka gobolka ayaa sidoo sheegay in aysan aqbali doonin in nadaafad daro lagu arko degmooyinka gobolka banaadir.

Maamulka gobolka banaadir oo sheegay in Maamulada degmooyinka lagula xisaabtamayo nadaafada degmooyinka ay masuulka ka yihiin.

Guddoomiye Basma ayaa sheegtay in guddoomiye degmo walbo lagula xisaabtamayo nadaafada degmada uu masuulka ka yahay.

Shalay ayay ahayd markii guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Yariisoow uu daah furay Ololaha Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Caasimadda.


Source: Dayniile

Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
‚Äč