Masar oo  xirxirtay ku dhawaad 100 maleeshiyo 

xayay
Sinai Masar

Ciidamada xoogga Masar ayaa sheegay in guulo dheeraad ah ay ka gaareen ololihii ay bilaabeen toddobaadkii hore, kaasoo ay uga soo horjeedeen kuwa isu yeera xoogagga Islaamka ee Gacanta Sinai.

Waxaa lasoo tabiyey in 12 maleeshiya ah la dila, halka boqolkana lasoo xirey.

Madaxda Masaarida ayaa kusoo rogtay xanibaad in warar madax bannaan la helo, taasoo aan la cadeyn Karin tirooyinka dhimashada iyo dhaawaca.

Madaxweyne Cabdulfataax Sisi ayaa ku amrey saraakiisha ciidanka iney si ka adkaadaan kuwa isugu yeera Islaamiyiinta ee gobolka, illaa iyo inta laga gaarayo gaba gabada bishan.

Wuxuu amarkan bixiyey madaxweynaha bishii November ee lasoo dhaafey, kadib markii uu ka dhacey weerar loo isticmaaley bom iyo qori masaajid , kaasoo lagu diley ku dhawaad dad gaaraya 300.

Kooxda Sinai ee gobolka Sinai, oo xiriir la leh ururka Daacish, ayaa qaadey weeraro tiro badan oo lagu hoobtay, oo lagu bartilmaameed sadey ciidanka. Sidoo kale, waxeysheegteen iney soo rideen diyaaraddii Russian airliner bishii October 2015-tii, taasoo ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayey 224 qof.

Markii hore kooxdan wuxuu magaceedu ahaa Ansaar Beit al-Maqdis, waxey soo if baxdey kooxdan markii ugu horeysay 2011-kii, iyadoo markii danbe magacooda u badaley IS, waxey markaa kadib ku biireen kooxda Daacish bishii November 2014-kii.

Kooxda guud ahaan waxey bartilmaameed sadaan xoogagga ammaanka ee waqooyiga Sinai, laakiin sidoo kale waxey sheegteen mas’uuliyadiisa weerar ka dhacey qeybta dalxiiska ee Koonfurta Sinai bishii April ee sanadkii hore.


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
xayaysiis
xayaysiis