Xaaf oo ka hadlay booqashada Farmaajo ee Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo booqasho ku jooga degaanada Puntland ayaa maalinta berri ah waxaa la filayaa in ay booqasho uga bilaabato magaalooyinka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa maalmahan si diirran loogu soo dhaweeynayay Degmooyinka Garowe, Qardho, Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Puntland, wuxuuna ku sugan yahay Boosaaso.

Saraakiil qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa Risaala u sheegay in qorshah uu yahay in Madaxweynaha berri uu tegi doono Magaalada oo ay ka kala arrimiyaan Puntland iyo Galmudug.

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Wuxuu sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaanada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Sidoo kale (Xaaf) ayaa sheegay in maalinka Isniinta ah uu Madaxweynaha uu tegi doono Magaalada Cadaado, dhammaana shacabka Galmudug ay si niyad ah ugu diyaar garoobeen soo dhaweynta (Farmaajo).

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa uu yahay mid ku teetsan nabadda iyo dib u heshiisiinta.


Source: Dayniile

Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com