Shirkadda Facebook oo sameyeyso isbaddelo waaweyn

xayay
Milkiilaha shirkadda FacebookMilkiilaha shirkadda Facebook

Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday wax ay ku sheegtay inuu yahay isbaddel weyn oo diiradda lagu saarayo dib u soo celinta sida ugu wanaagsan oo ay dadku uga falceliyaan barteeda ay bulshda ku xiriirto.

Milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg, ayaa sheegay in waxyaabaha guud ee shirkadaha ganacsiga iyo warbaahita ay ku xayeysiiyaan barta ay ka tan badiyeen ujeedadda dadka caadiga ah ay u isticmaalaan barta.

Milkiilaha waxa uu sheegay in isbaddelka la sameynayo ay shirkadda Facebook ahmiyad koowaad u leedahay si loo xaliyo dhibaatadan laga yaabo inay ka dhigan tahay in ay dadku ku jiraan barta Facebook muddo kooban, balse muddadadaasi ay macno aad u sareeyo lahaan doonto.

Shirkadda Facebook ayaa kala kulmeysay dhaliiceeyn isi soo tareysay oo la xiriirta in dadku ay si caadi ah ula qabsadeen barta inay kujiraan wakhti badan, ayna suuragal tahay inay dhibaato maskaxeed dadka ku keenta.


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
xayaysiis
xayaysiis