Ragow Dumarka ma Naga Aqli Badan yihiin. (Warbixin Yaab Leh)

xayay

Waxaa Caado ah in Marka Laba Ruux oo Lamaane ah is Aroosayaan in Maalina Todobada ah  ay Haweenka u yimaadaan Aroosada oo ah maalinka ay ugu Magacdareen Maalinka Shaash Saarka waxaa Gabadha loo keeno Hadiyo Kala Duwan sida Baati,  Jalbaab,Saacad, Kabo, Gogosha Sariirta, Cilaan, Lacag  iyo Dhamaan Wixii haweenka isku Qurxiyaan waxaana Meeshaas ka dhaca Mashxarad iyo soo dhaweyn waxaa gabadha loogu Duceeyaa Wiil iyo Caano iyo Gabar iyo caanno

Hadaba Maxaa Diidaya  in raga ay qaataan maalinka sideeda oo raga ay Booqdaan ninkii Arooska ah waxaana maalinkaas aan u Bixiyey MaalinkaCimaamad Saarka  Halkaana loogu Geeyo Arooska  Wixii Hadiyad ah  Sida Macawis,Kabo, Suun, Shaati, Cimaamad, Koofi , Surwaal, Lacag iyo Wixii kale oo uu raga Qaataan oo wiilka ugu Duceno Wiil iyo Caano iyo Gabar iyo Caano

Ragow Laba Mid aan qaadano Waa Fikirkeyga  maalinka Sideeda ah ama maalin aan ka Horeynno Tooda oo ah Maalinka Lixaad , Midda kale waxaa aad ula yaabaa  in Maalinka Tododobada ah ninka Arooska ah uu Guriga ka Qaxo oo Maalinkii  oo dhan uu Gurigiisa ka Maqnaado isagoo Xaluulanaya uu Habeenkii Guriga uu Yimaado ama inta Teleefonka iska soo Hormariyo uu yiraahdo ma la joogaa  marka Maxaa diidaya in Gabadha Aroosada iyana Markeeda Qaxdo oo reerkooda Booqato  maadama Maalinkaa ay Raga isugu imaanayaan oo arrintu Noqoto Nimba markiisa

Maalinta Todobada ah ee Haweenka leeyihiin aniga aad baan u soo dhaweeyaan waayo wxii Hadiyad ah ee gabadha loo keeno oo ay ku jirto Lacag waxay Taakuleyn Tabaruc u tahay reerka maadaama Kharasha badan uu Arooskoodii ku baxay marka  Ragow anagana maxaa noo diidaya in aan Tabarucaad aan siino Dhigeenna  oo aan Qabso Maalinka Sideedaad ama Maalinka Lixaad marka Ragow maxaa u  Garan weyney wixii ay haweenku garteen mise iyagaa u Daynaa arrinta si ay Ninka Arooska ah uu qayb ku yeesho waxa  Haweenka u  Keenayaan Gabadha Aroosada mise Maalinkeenaa Qaadanaa

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uK

Tel: 00252615532494


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
xayaysiis
xayaysiis