Madaxweynaha maamulka Galmudug Xaaf oo gaaray Gaalkacyo

xayay
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimco ah gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta labada Gole ee Galmudug ayaa ujeedka ay u tageen magaalada Gaalkacyo waxa ay tahay sidii ay uga  qeyb qaadan lahaayeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynata Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo sidoo kale sheegay marka uu Madaxweynaha yimaado in uu booqan doono dhammaan degaanada Galmudug, ayna u bandhigi doonaan baahiyaha daran ee ka jira Galmudug.

Ammaanka guud ee degaanada Maamulka Galmudug ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan magaalada Gaalkacyo oo Madaxweynaha Soomaaliya booqashada Galmudug uu ka bilaabi doono.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo) uu ku marayo qeybo ka mid ah Gobolada dalka ayaa waxa uu yahay mid ku teetsan nabadda iyo dib u heshiisiinta.


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
xayaysiis
xayaysiis