Wasiirka Magacaaban Ee Arrimaha Gudaha Oo Dalbaday Wadashqeyn

Duhurnimadii Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo wsiirka rrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Zabriye, kaas oo bedelay Wasiirkii xilka laga qaaday ee Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Musaabad soo dhaweyn ah oo loo qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirada Warfaafinta, Isgarsiinta, iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Wasiirka oo Munaasabada ka hadlay aya sheegay in waqtigaan uu dareemayo masuuliyad weyn isla markaana qof iyo koox gaar ah aysan waxba qaban Karin balse uu dalbanayo in lala Shaqeeyo.


Source: Dayniile

Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com