XOG : Maxaa keenay in ay siyaado cabsida laga qabo qaraxa Gaari xamuul ah markale.

xayay

Sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Booliska waxaa weli magaalada Muqdisho laga baadi-goobayaa Gaari nooca xamuulka ah oo la sheegay Al-Shabaab ay la damacsan yihiin inay ku fuliyaan weerar ismiidaamin ah.

Sarkaalkan oo ka tirsan Saraakiisha amniga Gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cabdi Yare ayaa sheegay in xogta gaarigaas ay ka heleen Al-Shabaab oo dhawaan lagu qabtay howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaadka la qabtay iyagoo gacanta kula jira falal amni darro, waxa ayna xaqiijiyeen in gaarigaas uu ku dhex jiro magaalada Muqdisho, isla markaana Booliska uu gudanaayo waajibaadka ka saran amniga Gobolka Banaadir.

Waxa uu tilmaamay in Gaarigaas uu ku dhex jiro mid kamid ah Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir, Kaaran iyo Cabdi-Caziiz, hase ahaatee ay ciidamadu yihiin kuwo feejigan.

Asbuucyadii tagay waxaa magaalada Muqdisho ka socday howlgal ay wadeen ciidamada AMISOM oo lagu baadi-goobaayay Gaadiid kuwooda oo Al-Shabaab u adeegsan doonaan falal amni darro.

Si kastaba ha ahaatee, cabsidan jirta ayaa kusoo beegmeysa xili dhabar jab xoogan ay la kulmayaan Al-Shabaab taa oo sababtay inay isaga baxaan Saldhigyadooda waaweyn.

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
‚Äč
xayaysiis
xayaysiis