Madaxweynahii hore ee Soomaliya oo iska fogeeyey in uu

OGEYSIIS:- Anigoo ah Shariif Sheikh Axmed ahna madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya waxaan shacbiga Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aanan wax war ah ka heyn shirka la sheegay in uu ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana lagu aheegay in looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jirto koox ama reer magaceyga u isticmaali karta anigoo maqan iyo aniga oo jooga go’aanno shaqsiyaad ay gaareen wax wakaalad ahna aan iga heysan.

Ugu dambeyntii waxaan bulshadeyda u xaqiijinayaa inaan si buuxda oo shuruud la’aan ah u taageersanahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna waajib nagu tahay inaan taageerno oo gacmaha aan is qabsanno si dalkeena aan u badbaadinno.

Mahadsanidiin


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com