Darawal “halyay” ah oo naftiisa halis galiyay si uu carruur u badbaadiyo

Khariirad

Nin darawal ka ah bas uu leeyahay iskuul ku yaalla gobolka bartamaha Hindiya dhaca ee Chhattisgarh ayaa naftiisa halis galiyay Talaadadii si uu u badbaadiyo carruurtii uu waday.

Shiv Yadav ayaa baskii uu waday istaajiyay hareerta waddo mashquul badan si uu u nafiso, laakiin wax yar ka dibba wuxuu arkay in carruurtii ay si kama ah geer u galiyeen baska.

Wuxuu ku orday dhankii baskii uu waday oo dhaqaaqay si uu u istaajiyo wuuna isku hortuuray. Taayiradii hore ayaa kor maray baskiina sidaa ayuu ku istaagay.

Yadav ayaa yaalla isbitaal isagoo ay xaaladdiisu aad u liidato wuxuuna ka dhaawacmay laf dhabarta.

Carruurtii baska saarnayd ayaa baska ka yaacday iyagoo aysan waxba soo gaarin sida uu ku warramay wargayska af Hindiga ku soo baxa ee Danik Jagran.

Shilalka basaska iskuullada ayaa caadi ka ah Hindiya sababtuna waa iyagoo aan si fiican loo dayactirin ama laga tan badiyo carruurta.

Bishii Janaayo, 15 carruur ah ayaa dhimatay ka dib markii ay isku dhaceen baskii ay saarnaayeen iyo gaari xamuul ah oo kale oo marayay Uttar Pradesh.


Source: Dayniile

Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com