Faah faahin: Shabaab oo caawa weeraray Afgooye

 Dagalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa caawa weerar ku bilowday laba Bambo gacmeed waxa ay ku qaadeen Ciidamo Dowladda Federaalka ka tirsan oo fariisin ku lahaa Agagaarka Buundo-yar ee degmada Afgooye.

Ddegmada Afgooye  ayaa laga soo sheegayaa in weerar ka dhacey uu ahaa mid socday waqti kooban oo labada dhinac ay is hubiyeen rasaas xoogan, taasi oo baqdin gelisay shacabka.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Afgooye oo la hadlay xafiiska Risaala ee degmada Afgooye ayaa sheegay rag ka tirsan Shabaab in ay weerar soo qaadeen balse Ciidamada Dowladda ay iska difaaceen, maadaama xogta weerarka ay ka war hayeen.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in Ciidamada caawa ay wadaan dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay uga jawabayaan weerarka Shabaabka ay soo qaadeen iyo sidii looga dabi tagi lahaa raggii weerarka soo qaaday.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka caawa, maadaama ay tahay xilli habeen ah ayna adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dagaalka.

Ururka Al-Shabaab, ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ka dhanka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weeraradan ay baqdin ku abuureen dadka degaanka


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com