Madaxqweyne Farmaajo oo kulan isugu yeeray Baarlamaanka Labada Aqal

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sheegay Sabtida in Madaxweynaha uu la kulmi doono Baarlamaanka labada Aqal ee Dowladda, isaga oo kala hadli doona, wixii Sabtida ka bilowda dalka inuu galayo xaalad dagaal oo ka dhan ah Shabaab.

Madaxweyne Maxamed (Farmaajo) oo shalay ka qeyb galay Banaanbixii ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in la sameynayo Ciidanka Difaaca dadweynaha, qofwalba oo Soomaali ahna looga baahan yahay in qori uu qaato, si Al-Shabaab loola dagaalamo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ugu dhawaaqay in dalka uu galay xaalad Dagaal, taasi oo ilaa hadda aanay soo kordhin wax isbedel ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa dhagaha u taagaya go’aankan mar kale ka soo baxay Madaxda Qaranka.


Source: Dayniile

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com