Xildhibaanada Galmudug oo ku dhawaaqay ineey xilka ka qaadeen MD XAAF

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in halkaas ay xildhibaano kaga dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf.

Hotel ku yaal Magaalada Cadaado oo uu leeyahay Wasiir Qoor Qoor ayaa looga dhawaaqay in xilka looga qaaday madaxweynaha Galmudug, waxayna wararka rasmiga ah oo ay heleyso Dayniile  sheegeysaa inay yihiin tirada xildhibaanadaas ilaa 17 Xildhibaan.

Xildhibaanadaan ayaa la sheegay inay ka careysan yihiin xabsi gurigii uu Sheegay guddoomyaha Baarlamaanka in la geliyey isaga iyo ku xigeenka madaxweynaha, waxayna Xildhibaanadaan markii hore sheegeen inay doorteen guddoomiye kumeel gaar ah.

Tiradaan yar ee xilka ka qaaday Xaaf ayaa la sheegay inaysan waafaqsaneyn Dastuurka Maamulka Galmudug.

Comments are closed.

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com