Faahfaahin Madaafiic lagu garaacay degaanka Cali Fooldheere

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Madaafiic xalay ay ku garaaceen Al-Shabaab degaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in Madaafiic ay la beegsaday Saldhiga Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degaankaasi.

Inta la xaqiijiyay duqeyntaasi, waxaa ku dhintay Hal Askari , waxaana sidoo kale ku dhaawacmay  labo kale sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in dhaawacyadii ka dhashay duqeyntaasi Saakay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Inta badan Al-Shabaab ayaa Madaafiic ku garaaca Saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla degaanada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Source: Dayniile

Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com