13 qof oo Soomaali ah oo lagu dilay dalka Itoobiya

Ugu yaraan 13 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar Ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Oramada ee dalka Itoobiya ay ku qaadeen degaanka Hawadaay oo ka tirsan dhulka Oromada Itoobiya.

Dadka Soomaalida ah ee halkaasi lagu dilay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dad Ganacsato ah oo degaankaasi kunoolaa sanadyadii lasoo dhaafay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dilkaasi ay geysteen ciidamada Oramada ,islamarkaana ay ka xanaaqsanaayeen dad Oromo ah oo horay loogu dilay dhulka Soomaalida  ee ku yaalla dalka Itoobiya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa xaqiijiyay  dilka 13 qof ee Soomaalida ah.

Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa waxa jiray dagaallo u dhaxeeyay dowlad degaanada Soomaalida iyo Oramada ee dalka Itoobiya.


Source: Dayniile

Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com