Kaalin intee la’eg ayuu Sheekh Shariif ku leeyahay xulista Ra’isul wasaaraha cusub

Muqdisho (Deyniile Media)-Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku howlan xulista Ra’isul wasaaraha Cusub ee Somalia.

Madaxweynaha ayaa Ra’isul wasaaraha cusub kasoo dhex xulan doona Musharaxiintii uu ka guuleystay iyo Siyaasiyiinta uu aqoonta u leeyahay waxqabadkooda.

Xulista Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu Madaxweynuhu kala tashanayaa Siyaasiyiinta ku dhow dhow oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Siyaasad ahaan ay aad isugu dhowyihiin.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweyne Farmaajo usoo bandhigay ilaa Seddex ruux oo midkood la doonaayo in laga dhigo Ra’isul wasaaraha cusub kana soo jeeda Beesha Abgaal, sida aan xogta ku heleyno.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa Madaxweynaha siyaabo kala duwan uga dalbaday in Ra’isul wasaaraha lasiiyo Beesha Abgaal maadaama ay si dhow uga wada shaqeynaayen Doorashada.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay heshiis wadagaaren inta lagu guda jiray Doorashada, iyadoo Heshiiskaasi la sheegay inuu dhigaayo in Haddii Farmaajo uu guuleysto Ra’isul wasaaraha u magacaabi doono shaqsi kasoo jeeda Beesha Abgaal oo uu wato Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa waxaa miiska u saaran dhowr Shaqsi oo la doonaayo in midkood uu noqdo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Cusub ee Somalia.

Si dhab ah looma oga cida Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo), uu ka dhigi doono Ra’isul wasaaraha hase ahaatee waxaa soo baxaaya in shaqsiga xilkaasi loo magacaabi doono uu wato Sheekh Shariif maadaama uusan qabankarin xilkaasi.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com

Source: Dayniile


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

COMMENT NOO REEB MAHADSANID

Fikradaha Akhristayaasha (0)


You must be logged in to post a comment.

‘F**k Donald Trump’: Hacked radio stations played protest song on loop
- Feb 1, 2017
Published time: 1 Feb, 2017 14:51 Get short URL © Carlos Barria / Reuters A number of radio ...
Nin xaaskiisa dhagaha ka gooyey ka db markii ay murmeen
- Feb 1, 2017
Zarina ayaa ku sugan isbitaalka, xaaladeeduna way dagan tahay Haweeney 23 sano jir ah ...
Kenya: Al-Shabaab photos spread amid official void
- Feb 1, 2017
 01 Feb 2017 – 11:35 Photo: AA. AA NAIROBI, Kenya: The Somali-based al-Shabaab militant group Tuesday released ...
Iran confirms missile test, denies breach of nuclear deal
- Feb 1, 2017
View photos   A UN Security Council resolution bans Iran from developing missiles that can carry ...
Xayiraadda Trum ma saameyn doontaa dagaalka ka dhanka ah Daacish?
- Feb 1, 2017
Amarka madaxweyne Trump ayaa loo arki doonaa caddeyn muujinayso in dowladda Mareykanka ay lid ...