Farmaajo oo hadal ay ku farxeyn shacabka Soomaaliyeed ka sheegay joogitaanka AMISOM

Muqdisho (Deyniile Media)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan la doortay ayaa la aamisan yahay inuu ka shaqeyn doono tayeynta ciidamada soomaaliyeed si looga maarmo kuwa AMISOM ee dalka joogo.

Haddaba sidii la filayey madaxweynaha ayaa arrintaan ka hadlay wuxuuna sheegay inay dowladdi sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Soomaaliyeed u tayeyn doonto si looga maarmo ciidamada AMISOM ee ka kala socdo wadamada Ugandha, Burundi iyo Itoobiya.

” beesha Caalamka si fiican ayey ula soo shaqeeyeen dowladii hore, AMISOM waa isla shaqeyn doonaa, markii aan ciidamadeena tayeysano dhulkooda ayey ku laaban doonaa iyagoo faraxsan ” ayuu yiri Farmaajo.

” Ciidamada AMISOM dalka wax badan ayey u qabteen, dagaalo badan ayey la galeyn ciidamada Al-Shabaab” ayuu sii raaciyey.

” Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo wadamadii ogolaaday inay Soomaaliya ciidamo usoo diraan” ayuu sii raaciyey

hadalka kasoo yeeray madaxweynaha ayaa muujinayo sida uu u daneenayo inuu dalka wax u qabto isla markaasna ciidamada soomaaliya gaarsiiyo heer ay dalkooda ku filnaadaan.

haddaba codkaan hoose ka dhageyso hadalka madaxweynaha wuxuuna arrintaan ka hadlayaa qeybaha dhexe ee hadalkiisa.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com

Source: Dayniile

2 comments on “Farmaajo oo hadal ay ku farxeyn shacabka Soomaaliyeed ka sheegay joogitaanka AMISOM

  1. basiir guray says:

    as salaamu calaykum
    ummadda soomaaliyeed waxaan raajynaynaa allaha qaadirka inooga dhigo dowladana bilantay tii dalkeed iyo dadkeeda anfacda. biyo sacabadaada looga dhergaa. Maandeeq haday bilatay yaan la buubin Soomaali waa walaalo shaydaamo kala dhex galeen allaha isku keen dumo. nin walbo dhincaada kaalintaada ka qaado.

  2. Ba alawe says:

    Mudane madaxweyne waad ku mahadsan tahay talaabooyinka wax ku oolka ah ee aad qaadeysid. Waxaana kuu rajeynayaa in aad ummadan u horseedid guul iyo barwaaqo. Amiin

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com