Faahfaahin: madaafiicda ku dhacday agagaarka madaxtooyada & Khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Deyniile Media)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic ku dhacday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Ilaa lix madfac ayaa la sheegay in lagu garaacay agagaarka madaxtooyada, waxaana maanta madaxtooyada ka dhacayay  xaflad xil wareejin ah.

Mid kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guri aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu ku dhacay qoys guriga kusugnaa.

Madfaca oo qoyska ku habsaday ayaa waxaa wararka ay sheegayaan inuu waxyeelo daran u geystay qoyska.

Marar badan ayaa madaafiicdan oo kale lagu garaacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana isweydiin leh halka mar walbaa laga soo tuuro.

Deyniile Media
Xafiiska Muqdisho
dayniilecom@hotmail.com

Source: Dayniile

Comments are closed.